Mesut Ozil iyo Jack Wilshere oo qarka u saaran inay heshiis cusub u saxiixaan Arsenal

Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo laba laacib oo muhiim u ah qadkeeda dhexe sida ay baahisay The Sun.

Qandaraaska Mesut Ozil iyo Jack Wilsere ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxayna bilaash uga tagi karaan kooxda bisha July.

Bixida Alexis Sachez kaas oo ku sii jeeda Manchester United ayaa ku qasbaysa Arsenal inay heshiis cusub ka saxiixdo Wilshere iyo Ozil.

“Ozil waa uu jecelyahay halkaan, wuxuu jecelyahay nolosha London, wuxuuna si cad u muujiyay inuu doonayo inuu sii joogo” ayuu yiri qof ka tirsan Arsenal oo la hadlay The Sun.

“Wilshere isagu waayo waayo ayuu soo joogay Arsenal, wuxuuna doonayaa inuu noqdo kabtanka kooxda xiliciyaareedka dambe, wuxuu doonayaa inuu halyeey u noqdo kooxda”.

“Labadaba heshiis ayaa loo saaray miiska” ayuu sii raaciyay, waxaana la filayaa in labada laacib ay goor dhaw saxiixaan heshiiska cusub.

Comments

comments

SHARE