Maaliyada Sanchez ee Man United oo durba la daabacay

Taageerayaasha ayaa durba iibsan kara Maaliyada Manchester United ee Alexis Sanchez oo uu gadaal uga buufsan yahay Lambarka 7-aad.

Wiilka reer Chile ayaa lagu wadaa inuu ka soo dhaqaajiyo Arsenal kuna soo biiro kooxda Jose Mourinho haddii ay Man United heshiis la gaarto laacibka iyo kooxdaba.

Henrikh Mkhitaryan iyo waliba lacag ayaa lagu wadaa in Gunners looga badesho Sanchez.

Inkastoo weli heshiiskan si rasmi ah loo shaacin misane Taageerayaasha Manchester United ayaa heli kara maaliyada kooxdooda oo lagu xardhay Magaca Sanchez iyo No. 7 oo lagu wado inuu u xiran doono markuu ku soo biiro.

“Aadaan ugu faraxsanahay inaan dukaanka cajiibka ah ee Adidas Uk ka iibsado Maaliyada cusub Man United ee Alexis Sanchez,” Shaqsi  Amer Mourad ku soo gala Twitterka ayaa sidaa soo qoray.

“Waxaan mahad naq gaar ah u dirayaa kooxda dukaanka kuwaa oo cajiib ahaa isla markaana caawin badnaa.”.

Comments

comments

SHARE