Dortmund oo kala cadaysay in Aubameyang uu ciyaarayo kulanka barri iyo inkale

Tababaraha kooxda Borussia Dortmund ee Peter Stoger ayaa ka hadlay in Pierre-Emerick Aubameyang uu ciyaarayo kulanka habeen dambe.

Borussia Dortmund ayaa u martin doonta habeen dambe kooxda Hertha Berlin, waxaana shaki laga muujinayaa in Pierre-Emerick Aubameyang uu ciyaarayo kulankaas.

Saxaafada jarmalka ayaa daaha ka qaaday in Aubameyang loo ogolaaday inuu ka maqnaado kulankaas, maadama mustaqbalkiisa wali uusan dhinac u dhicin.

Laakiin tababare Peter Stoger ayaa sheegay in Pierre-Emerick Aubameyang uu ciyaarayo habeen dambe haddii uu kooxda la safro barri oo jimco ah.

“Wadahadal fiican ayaan la yeeshay Aubameyang isniintii la soo dhaafay, dabcan qayb ayuu ka yahay qorshaheena barri, haddiiba uu nala safrayo waa uu ciyaarayaa” ayuu yiri tababaraha Dortmund.

“Ilaa haatan Aubameyang sifiican ayuu u tababaranayaa, aad ayuu u daganyahay, shaqsi walba oo qirta qaladaadkiisa waan soo dhawaynaynaa, waxaan rumaysanahay inuu leeyahay tayo uu horay noogu sii wadi karo”.

“Waan u sheegay dhab ahaan waxa aan ka doonayo, maalin walba ma wada hadalno, maadama uu yahay laacib ka tirsan Dortmund qorshe ayaan u dajinayaa”.

Comments

comments

SHARE