Somaliland: Wasiir Koore Oo Farriin Adag U Diray Puntland

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa Maamul-gobolleedka Puntland uga digay inay sii wadaan daan-daansiga ay ku hayaan Somaliland.

Wasiir Saleebaan Cali Yuusuf Koore oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulkiisa Puntland ay colaadda ay Somaliland la doonayaan ay ku qariyaan Xurguf iyaga dhex taalla, laakiin si kasta oo ay tahay Maamulka Garoowe looga baahan yahay inay xaqiiqada waajahaan oo aanay ku soo xad-gudbin Dhulka Somaliland.

Wasiirka Biyuhu wuxuu sheegay in Ciidammada Somaliland joogaan meel Laascaanood dhanka Puntland ka xigta 240KM, laakiin aanay garanayn sababta Puntland u qaylisay markii ay u ruqaansadeen meel aan Laascaanood ka fogayn 60KM, waxaanu yidhi “Ciidanka Somaliland wuxuu joogaa Xallin, Kacayo, Taleex joogaa, Xallin waxay Laascaanood u jirtaa 240KM, halka Ciidanka (Puntland ka qaylisay) uu Laascaanood u jiro 50 ama 60KM, markaa waxaad arkaysaa in arrintu tahay Baroortu Origaga ka weyn.”

Wasiir Koore waxa kale oo uu sheegay “Reer Garoowoow, Dalka waynu ku wada noolaan jirnay illaa Ingiriiskii, sida aynu Xuduudaha u kala lahayn wakhtigii Ingiriiska iyo Wakhtigii aynu Soomaaliya ahaynba waad garanaysaan, meesha xuduudda Garoowe martana waad ogtihiin. Garoowe waa Caasimad oo ka mid ah Magaalooyinka Dadka Soomaalidu Maanta ku nool yihiin, waa Caasimad Horumartay, waxaan leeyahay Bash-bash, Barwaaqo iyo Badheedhi ayaad qabtaan, haddiise aad sii waddaan Dagaalka Garoowe iyo Laascaanood mid ayuun buu Qixi doonta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xuduudka waxa sameeyay Awowgay Koore, boqol iyo toban Sannadood ka hor, waxaanan ku adagahay in Xuduudkayagu kaa yahay oo aynu leenahay Xuduud Caalamiya oo inoo dhexeeya.”

Wasiirku wuxuu Farriin u diray Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Sool “Dhammaan Dadka reer Somaliland ee Deegaanka aan ka soo jeedana waxaan leeyahay waynu dhaafnay wakhtigii Dadkan loo haysan lahaa Cudhaadha, Dadkani waxay u codeeyeen Madaxweynaha Maanta Dalka xukuma.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Reer Garoowe waxaan leeyahay, waxa la yidhi Balaayo buulkeeday ku hadhaa, Ninka Gaalkacayo ka yimid ee Dhowrka Baabuur wata iyo ka Boosaaso ka yimid midna dhibtu taaban mayso, laakiin Dadka ay dhibtu taabanayso ee ay kor tagaysaa waa reer Garoowe, markaa waxaa leeyahay Reer Garoowe dhibka joojiya.”

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu sheegay inaan Somaliland doonayn inay qabsato dhul aanay lahayn, balse ay Xuduudkeedu gaadhayso “Xukuumadda Somaliland ee aan Wasiirka ka ahay iyo Ciidanka Somaliland uma soo socdaan Garoowe, laakiin Ciidanku Nabad ayuu ku tagayaa Xuduudihiisa, Cidna duulaan kuma aha.” Ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE