Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Itoobiya

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Itoobiya.
Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne.

Madaxweynaha, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya xubno ay kamid yihiin:
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed
2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad
3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon)
4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shiire oo weftiga kaga Biiri doona Dalka Itoobiya.
5. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani.

Comments

comments

SHARE