Somalia: Al-shabaab oo saakay weerar ku qaaday deegaan ku dhaw degmada Baydhabo

Somali Officials Vow to Retake Puntland Town
FILE - Members of Somalia's al-Shabab militant group patrol on the outskirts of Mogadishu, March, 5, 2012. Analysts say that the fight against the insurgency may be moving into the north of the country, to regroup in the semiautonomous region of Puntland after coming under heavy pressure from three foreign armies in southern Somalia.

 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay la wareegeen deegaanka Deynuunaay oo 26km u jirta magaalada Baydhabo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in xoogag ka tirsan Al-shabaab dhinaca Koonfureed ka soo weerarreen deegaanka, waxaana ay iska caabin kooban kala kulmeen ciidamo halkaa ku sugnaa.

General Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha ciidamada Booliiska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi jiro, isaga oo intaa ku darray ciidamada ay ku sugan yihiin deegaanka oo Al-shabaab aysan la wareegin.

Laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab qadar kooban la wareegeen gacan ku heynta Deynuunaay.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ku saabsan dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, madaama Isgaarsiinta deegaanku tahay mid aad u liidata.

Comments

comments

SHARE