Somaliland: Wasiirka Gaashaandhigga Oo Sheegay In La Samaynayo Xeerka Hawl-gabka Iyo Xaqsiinta Ciidammada Qaranka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Ciise Yuusuf Axmed (Xawar), ayaa ka warramay hawlaha ugu muhiimsan ee Wasaaraddiisu qabanayso 120-ka Maalmood ee ugu horreeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Shalay hadal kooban u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillad ayaa sheegay in Muddadaa 3-da bilood ah ay ku diyaarinayaan Xeerka Hawl-gabka Ciidammada Qaranka, kaasi oo aan hore u jirin.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Boqol iyo labaatanka Maalmood ee ugu horreeya Xukuumadda, waxyaabaha qorshaysan ee aanu gudbinay waxna ka qabanayno waxa ka mid ah inaanu samayno Xeerkii Hawl-gabka iyo Xaq siinta Ciidammada Qaranka.”

Wasiirka Gaashaandhiggu waxa kale oo uu sheegay “Ciidankeenu waa Ciidan ballaadhan, waxa ku jira rag badan oo inay nastaan (U baahan), raggaasi Jidkii ay kaga nasan lahaayeen (Ciidanku) ma furna, tusaale haddaan idin siiyo Ciidammadeenui Albaab laga soo galo way leeyihiin ee Albaab laga baxo malaha, markaa Qorshaha waxa noogu jira inaanu Albaabkaa furno oo aanu u samayno Dariiq ay hawl-gab ku galaan, markaa Sharcigaa samayntiisu waa Hawlaha noogu horreeya…”ayuu yidhi

Comments

comments

SHARE