Somaliland: Oo U Digtay Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Ciidammo Ay Ka Soo Ururrisay Gobolladeeda Soo Dhoobtay Duleedka Degmada TUKE-RAQ

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo faro-gelin ku haysa Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana Maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo kuwo Ciidan ka wadday Deegaannada Koonfurta Gobolka Sool, ayaa Ciidamo soo dhoobtay deegaannada ku dhow Magaalada Tuke-raq oo dhawaan Ciidammada Qaranku ka qabsadeen Maleeshiyaadka Maamul-gobolleedka Puntland oo qayb ka ah Soomaaliya.
Ciidammadan oo laga soo ururiyey Gobollo ka mid ah Soomaaliya, ayaa la soo dhoobay deegaannada u dhexeeya God-qaboobe iyo Buur-wadal oo ku dhow Magaalada Tuke-raq oo Toddobaadkii hore ay Ciidammada Qaranka Somaliland fadhiisimo ka samaysteen, ka dib markii ay ka saareen Maleeshiyaadka Puntland.
Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.
Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in Colaadda ay Gobolka Sool ay ka abuurayso Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Hiil u ah Maamul-gobolleedka Puntland oo sheegta Mulkiyadda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle wixii ka yimaadda ay Masuuliyaddeeda qaadayso Dawladda Soomaaliya.
Wasiir Kaahin oo ugu horreyn ka hadlaya Waxyaabaha ay ka wada-hadleen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Toddobaadkii hore dejinta Arrintan u yimid Hargeysa ayaa yidhi “Arrintani buuq faro badan ayay dhalisay, waxa inoo yimid Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Micheal Keating, Madaxweynaha wuu arkay, xubno badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada wuu la shiray, dammaanadda aynu siinay waxay tahay Somaliland meelna uma socoto, Somaliland Dagaal ma waddo, Somaliland Maanta diyaar uma aha inay Cid weerar ku qaaddo. Laakiin Saaka waxay Xaaladdu maraysaa illaa Afar Gobol oo Soomaaliya Gobolladeeda ka tirsan ayaa Ciidamo laga soo qaaday, waxaana la soo dul-dhigay Ciidanka Somaliland.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Bulshada Caalamka u sheegay inuu doonayo inay Somaliland si Nabadgalyo u wada-hadlaan, haddana uu bilaabay inuu Colaad ka hurriyo Gobolka Sool ee Somaliland “Farmaajo wuxuu Bulshada Caalamka u sheegay in aanay Colaad wadin, Somaliland-na ay doonayaan inay Arrimahooda si nabadgalyo ah uga wada-hadlaan, labadaa (Farmaajo sheegay) dhexdooda waxbaa ku jira, waxa ku dhex jiraa waxa weeye Xaaladda abuuran ee Maanta ka taagan God-qaboobe iyo Garoowe dhexdooda iyo ciidamada faraha badan ee laga soo ururiyey Gobollada Soomaaliya intooda Waqooyi, markaa waxaan Xaqiiqo noqonayn Afkii uu innagana innagula hadlay qolada Beesha Caalamkana kula hadlay ee uu leeyahay anigana Nabadi dhulkay iga taallaa, Somaliland-na waxaanu doonaynaa inaanu Wada-hadallo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay Somaliland ka leexanayn Dariiqeeda “Somaliland mar kaliya Dariiqeeda iyo Majaraheeda Horumarka iyo nabadda kama leexanayso. Sida uu qorayo Dastuurka Qaranka Somaliland waa waajib inay ilaaliso Nabad-galyada Shacabkeeda iyo Difaaca Qarannimada Somaliland, taasina waa waajib Muqadas ah.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu farriin u diray Dalalka Deriska, IGAD iyo urur Gobolleedyada Adduunka “Waxaanu fidinaynaa laba baaq, baaqa koowaad Dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, Itoobiya, IGAD, Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, waxaanu intaba ku war-gelinaynaa Xaaladda Colaadeed ee Maanta ka aloosan Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda, Somaliland kama masuul ah ee waxa ka masuul ah Soomaaliya, wax alaale iyo wixii dhibaato ah ee ka yimaaddana Masuuliyaddeedu iyaga ayay saaran tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo sheegay in Maamul-gobolleedka Puntland uu wado Qorsheyaal uu ku collaysiinayo Shacabka Somaliland iyo kuwa Puntland “Dawladuhu had iyo jeer way is-qabtaan, laakiin Colaadaha la abuurayo waxa ka mid ah, Jimcihii Shalay (Doraad) Maamulka la yidhaahdo Puntland Magaalo kasta Khudbaddii Jimcaha ee laga akhriyey waxa lagu iclaaminayey Colaad iyo Jihaad, Culimada Somaliland-na waxay Jimcihii jeediyeen Khudbado ah ‘ILAAHAY ka baqa iyo Cibaadaysta’, marka taa la samaynayo waa Curfi xun oo ah in labada Ummadood la collaysiiyo oo si Isir ah loo collaysiiyo. Ummadda reer Somaliland waxa 26-kii Sannadood waxa laga masaxayey dhibaatadii ka dhacday Dalka Somaliland, Xasuuqii idinku dhacay Qolo idinkumay samaynin ee Dawladdiinii Soomaaliyeed ee aad samaysateen ayaa idinku samaynaysay. Dadka waxaanu ka dhaadhicinaynay inaan Qolo wax yeelin, haddii Farmaajo iyo Inanka Cabdiweli ee Garoowe joogaa ay Maanta tii abuurayaan Dadka reer Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa idinku taa ha u dheg-taagina.”
Wasiiru wuxuu digniin u diray Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo uu sheegay inay ku dheel-dheelayaan Dab “Innamadaasi (Farmaajo iyo Gaas) Dhuxulo aanay weli ku guban ayay ku dheel-dheelayaan, waxaanu leenahay Saaxiibbayaal Dhuxulaha faraha ka dhiga, dhibaatada Ninkii ku gubtay kuma dirnaado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Dawladda Somaliland Wada-hadal la yeelanayn Maamul-gobolleedka Puntland, maaddaama oo uu Somaliland ula mid yahay Gobolka Sool oo kale “Maamul-gobolleedka ka dhisan Garoowe wuxuu la mid yahay Badhasaabkeenna Gobolka Sool, markaa Annagu waxaanu la hadli karnaa Madaxweynaha Soomaaliya, hadduu Cabdiweli diyaar u yahay Badhasaabka Sool ayaa meesha uu joogo ugu tagaya, hadduu Gobolka Qardho ama Boosaaso joogana Badhasaabka Gobolka Sanaag ayaa meesha uu doono Arrin nabadeed ugu tagaya.”
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in Nabadgalyo ay ku wada noolaadaan Somaliland iyo Soomaaliya ay ku xidhan tahay iyaga oo ku sugnaado Xuduudahooda “Waxaanu leenahay Saaxiibbayaal Colaadda joojiya, sida Nabadgalyadu taam ku noqon kartaana waxa weeye inaad xuduuddiina ku ekaataan, weliba waxaanu diyaar u nahay inaanu meelaha qaar xuduudaheeda banbaanino, sida Caasimadaha iyo Magaalooyinka waaweyn, Annaga oo Maatida u danaynayna.”
Wasiirku wuxuu si xeel-dheer ula hadlay Farmaajo iyo Gaas “Cidda lagu soo xad-gudbay waa Somaliland, Cidda Xuduuddeeda iyo Dalkeeda lagu jiraa waa Somaliland. Waxaanu leenahay Saaxiibbayaal intaad annaga nagu foogan tihiin ee aad Somaliland dhibka ku haysaan, ee aad waxan oo Ciidan ah ee jooga God-qaboobe iyo Buuro-wadal inta u dhaxaysa, ee aad duullaanka ku soo qaadaysaan (Somaliland) wax kaga qabta Colaadda Mudug taalla, ta Kismaayo taalla wax kaga qabta, ta Banaadir taalla wax kaga qabta, weliba waxaanu intaa idiinku sii daraynaa inaanu Annaguna idinka caawino, Waayo? Somaliland xaasid maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay Somaliland ka war hayso Ciidammada Soomaaliya soo dhoobtay duleedka Tuke-raq, “Somaliland way ka war-haysaa in Ciidammo la soo dhoobay meesha, Somaliland-na ma faro madhna oo difaaceeda iyo ilaalinta Qarannimadeedana diyaar bay u tahay, Qoladaa waxa ka yimaaddana way sugaysaa.”

Comments

comments

SHARE