Qalinki Qora Axmed Nuur Guruje “Sheekadii shaarub vs Rashiid waraabe” Cajiib

= Sheekadii shaarub vs Rashiid waraabe =

Cismaan Cumar dool baa i xasuusiyaye , waaggii aan miyiga joogay ragaan la kulmay waxaa ka mid ahaa , nin la odhan jirey Rashiid Waraabe oo ka mid ahaan jirey jabhadii snm kaasoo ka sheekeeyay sheeko cajiiba .

Rashiid wuxuu ka mid ahaa ciidankii snm ee fadhigiisu ahaa Tuulada Cabdi yuusuf ee sanadii 1988 halkaa ay isku haleeleen Ciidankii Moorgan ee Cajaladaha iska soo duubay , ka dibna cajaladii lagga qabsaday .

Rashiid markii snm soo gashay 1988 , wuxuu ka mid ahaa ciidankii Maxamed Cali , ka dibna isagoo kaneecaysan ayaa dhexda lagaga tagay , waxaana la geeyey qoys reer miyi ah oo yaalay duudka wayn , meel ku dhaw tuulada Qori-jabley .

Rashiid isagoo xanuusanaya oo halkii jiifa ayaa loo sheegay ciidankii Shaarub ee fadhiyey Bali-kaliil , ka dibna Col Shaarub oo wata 3 baabuur oo kala ah , Beebee , Baroon iyo xaajiyad labba shidhley ah , ayaa usoo kacay xaggii qoyska reer miyigi ah , si ay usoo kaxeeyeen ninkan snm ta ah ee xanuusanaya .

Rashiid markuu dareemay guuxa baabuurta ayuu geedkii uu jiifay jiridiisa ku gurguurtay , halkaana difaac ka galay , maalin dhan baa Ciidankii iyo Rashiid is haysteen , waxay gawda isku hayaanba , Rashiid wuxuu xabad la helay baabuurkii Kornaylka ee Xaajiyada ahaa , iyo dhawr askari .

Xagga alle ayaa colkii duulaanka ahaa babisi looga tuuray markii la isku daalay , dabeeto Kornaylki wuxuu amray in Ciidanku meesha iskaga baxaan , baabuurkan dhaawadana iskaga dhaqaaqaan .

Gaadhigii taliyaha ( xaajiyadii ) oo taangiga biyuhu daloolo ayaa ninkii Rashiid looga tagay , dabeeto dareewal reeraha joogay ayaa xaydheeyey , halkiina kasoo kaxeeyay .

Sidaasaa col waynihii Rashiid kagala hadhay baabuur keligii , mar dambena baabuurkii wuxuu ku wareejiyay Col Axmed Mirre oo Xaajiiyadaasi ahayd , baabuurkii uu watay ilaa 1991 markii wadanka lasoo galay .

Dhinaca kale Col shaarub wuxuu ahaa Col , horrena uga tirsanaa Jabhadii ssdf , waana ninkii markii dambe Snm Hargaysa ka saaray 1988 , cajalada Fidiyowga ah ee ciidankii faqashtu duubeena waa ninka la taagan Col Aways geedow .

Rashiid nolol baan ku ogaa , ogaantayna wuxuu degenee tuulada labba-sagaale .

Comments

comments

SHARE