Saxiixa cusub ee Barcelona oo diiday inuu gudaha u galo Camp Nou isaga oo kobo wata (Ogoow sababta ku kaliftay)

26

 Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona oo haatan loo soo bandhigayo saxaafada iyo taageerayaasha ayaa diiday inuu gudaha u galo Camp Nou isaga oo kobo wata.

Yerry Mina ayaa soo istaagay xariiqa laga galo garoonka, wuxuu iska bixiyay kobihii uu xirnaa isaga oo sidoo kale iska saaray iskaalshadii uu watay, wuxuuna gudaha u galay garoonka isaga oo caga cad.

Barca TV, ayaa sheegay in Yerry Mina uu leeyahay caqiido la yaab ah taas oo ah inuu caga cadaan galo marka ugu horaysa ee garoon cusub uu galayo.

Laacibka ayaa rumaysan in haddii uu sidaas sameeyo uu helayo nasiib isla markaana garoonkaas uu u noqonayo mid uu marwalba ka dhex muuqdo.

Taageerayaasha Barcelona ayaa si wayn ula dhacay caado dhaqameedka Yerry Mina, maadama aan horay loo arag laacib caga cadaan galaya garoon si uu nasiib uga helo.

 

Comments

comments

SHARE