Pep Guardiola oo ka hadlay lacagtii Barcelona ay ku iibsatay Philippe Coutinho

Tababare Pep Guardiola ayaa rumaysan in Coutinho uu u qalmo lacagtii ay ka soo bixisay Barcelona

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa ka hadlay lacagtii Barcelona ay ku iibsatay Philippe Coutinho suuqaan Janaayo.

Philippe Coutinho ayaa u dhaqaaqay horyaalka Spain xili kooxdiisu ay isku diyaarinaysay kulan ay la ciyaari doonto Manchester City.

Pep ayaa sheegay in Philippe Coutinho uu yahay laacib orod badan, goolal dhaliya islamarkaana abuura, wuxuuna intaa ku daray in wax tarkiisa fiican uu ku qasbay Barcelona inay ku iibsato 160 milyan oo euro.

“Waxaan rumaysanahay in Barcelona ay samaysay saxiix aad u fiican” ayuu yiri Pep Guardiola oo amaanay Philippe Coutinho.

“Waa laacib orod badan oo cajiib ah, waa dhaliyaa waana abuuraa goolasha, xulkiisana wuxuu ka yahay laacib wayn, taas ayaa ku qasabtay Barcelona inay ku iibsato lacag badan”.

“Sidaas oo ay tahay Liverpool waxay sii ahaanaysaa koox fiican la’aantiis”.

Comments

comments

SHARE