War Dag Dag ah : Maamulka Muqdisho Weecinaysa Ujeeddada Dagaalkii TUKE-RAQ ee Somaliland

76

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay Dagaalkii Ciidammada Qaranka Somaliland ay Toddobaadkan ku qabsadeen Magaalada Tuke-raq ee Gobolka Sool, halkaasi oo ay Xoog kaga saareen Maleeshiyaad u joogay Maamul-gobolleedka Puntland.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Micheal Keating oo Shalay booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa, ayaa kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland ka dib la waydiiyey Mowqifka Qarammada Midoobay ee Colaadda Tuke-raq, maaddaama oo ay suurto-gal tahay in Maamulka Puntland uu soo qaado Dagaal uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Tuke-raq oo ay aaminsan yihiin inay ka mid tahay Dhulkooda, walow ay ku taallo gudaha Xuduudka Somaliland.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Micheal Keating wuxuu sheegay in Mowqifkooda arrintaa ku saabsani uu yahay in arrinka lagu dhameeyo Wada-hadal, halkii Awood Ciidan la isku adeegsan lahaa, waxaanu yidhi “Mowqifkayagu waa inaanu isku dayno sidii Xiisadda hoos loogu dhigi lahaa, loona dardar-gelin lahaa Wada-hadallo labada dhinac ah (Somaliland iyo Puntland)..”

Ergayga Qaramada Midoobay waxa kale oo uu sheegay in haddii uu jiro Isfaham waa dhex yaalla Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada-xaajood “Haddii ay jiraan Isfaham waa, waa in la caddeeyo, haddii ay jiraan Dhab ahaan Is khilaaf waa in markaaba la wada xaajoodaa, hasa ahaatee in Tallaabo Milletari la adeegsado maaha Xalka dhibaatada lagu xallin karo.”ayuu yidhi.

Dhanka kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo faro-gelin ku haysa Madax-banaannida Somaliland ayaa Shalay ka hadashay Dagaalka Tuke-raq oo dhacay Xilli uu Magaalada Garoowe booqasho ku joogay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxayna sheegtay inay ka xun tahay Dagaalka Tuke-raq oo ay ku baaqayso in Wada-hadal lagu dhameeyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du waydiisay nuxurka baaqa ay ka soo saareen Dagaalkii Tuke-raq ayaa yidhi “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay baaq ay ku dalbanayso in la joojiyo Colaadda ka socota deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool. Aad iyo aad ayay noo dhibaysaa, Madaxda Qarankuna way dalbadeen dhammaan Dadka ay khusayso, ha noqoto Maamullada, Madax-dhaqameedka iyo Ururrada Bulshada ay ka qayb-qaataan in Colaaddahaasi loo joojiyo si Shuruud la’aan ah. In deegaankaas oo muddo nabdoonaa in Colaado ka aloosmaan waa mid nasiib-darro ah, markaa Dawladdu dhinacyada ay khusayso waxay kala shaqaynaysaa in wixii tabasho ah lagu dhamayn lahaa si Nabad ah, si dib u heshiisiineed oo aanu dhiig dambe ee Soomaaliyeed u daadan, sidaas ayay ku salaysnayd baaqa Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha ee la soo saaray, waxaanu rajeynaynaa in dhinacyadu u dhego-nuglaan doonaan baaqa Madaxda Dawladda.”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la waydiiyey waxa baaqani ka tarayo Colaadda Tuke-raq haddii Dawladda Somaliland ay Dawladda Federaalka ku eedaynayso inay Colaad ka hurinayso deegaannada bariga Somaliland isla-markaana Toddobaadyo ka hor uu Wasiir ka tirsani socdaal ku tagay Gobolka Sool, ayaa su’aashaa kaga hal-celiyey Weedho la mid ah kuwa uu Habeen hore Madaxweynaha Puntland mariyey Warbaahinta, kuwaasi oo ahaa in Somaliland taageerto ururrada Argagixisada.

Mr. Yariisow oo su’aasha la waydiiyey ka jawaabaya ayaa sheegay in Dagaal hadda qarxaa uu fursad siinayo kooxaha Nabad-diidka ah ee ka soo horjeeda waxa uu ugu yeedhay Dawladnimada iyo Horumarka Soomaaliya, waxaanu yidhi “Dagaal hadda ah oo Ummadda dhexdeeda ah wuxuu fursad siinayaa kooxaha Nabad-diidka ah ee diiddan Dawladnimada iyo Horumarka Dalka ka jira, markaa waxaanu qabnaa in Colaadaha lagu dhameeyo si dib u heshiin ah.

Comments

comments

SHARE