Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku sii jeeda magaalada Boosaaso

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrives for celebrations to mark the 57th anniversary of the Somali National Armed Forces in the capital Mogadishu on April 12. President Farmajo has declared war on Al-Shabab militants. FEISAL OMAR/REUTERS

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso iyadoo amaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso lagu arkayaa ciidamo fara badan oo xaqiijinayo amaanka magaaladaas.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku gudo jiro booqashadiisa waxaa lagu wadaa in uu gaaro degmooyin ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo halkaasi ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha.

Comments

comments

SHARE