Dag Dag: Man Unted Oo Safka Hore ka soo gashay dagaalka loogu jiro ciyaariyahanka Alexis Sanchez

Manchester United ayaa si rasmi ah u soo gashay tartanka saxiixa weerar yahanka Arsenal ee Alexis Sanchez.

Weerar yahanka reer Chile ayaa ku sii jeeday kooxda Manchester City oo uu ku fashilmay u dhaqaaqideeda suuqii xaggaaga.

Gianluca Di Marzio ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay bilowday inay xiriir la samayso Alexis Sanchez saacadihii u danbeeyay.

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu hor istaago in laacibku uu u dhaqaaqo Etihad Stadium, wuxuuna doonayaa inuu u soo weeciyo dhanka Old Trafford saacada soo socda.

United ayaa haysata weerar ka kooban Romelu Lukaku, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Zlatan Ibrahimovic, balse tababaraha ayaa dareensan in kooxdu ay u baahantahay weerar yahan kale.

Qandaraaska Sanchez ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, Arsenal ayaa diyaar u ah inay iska iibiso haddii ay helayso lacag dhan 35 milyan oo Ginni.

Man City oo dhaawac ku waysay Jesus ayaa wadahadal kula jirtay Arsenal maalmihii la soo dhaafay, balse labada kooxood ayaa isku mari la’aa qiimaha laacibka, haatan waxaa tartanka soo galay Man United oo laga cabsi qabo inay bixiso qiimaha ay doonayso Gunners.

Comments

comments

SHARE