Zidane oo Qishay in goor dhow Real Madrid laga ceyrin karo

Zinedine Zidane ayaa sheegay inuu xilka Real Madrid sii heyn doonin 10-sano.

Macallinka reer France oo muddo gaaban gudahood koobab badan oo waa wayn u gacan galiyay Los Blancos ayaa durba cadaadis xoogan saaran yahay.

Madrid ayaa 16 dhibcood ka hooseysa kooxda ay aadka u coltamaan ee Barcelona taa oo u muuqata inay adag tahay inay difaacan doonaan horyaalka La Liga.

Yeelkeede, Zidane oo qishay in laga xayuubin karo xilka Real Madrid ayaa yiri:

“Waan ogahay in maalin uun ay Real Madrid ku soo afjarmi doonto shaqada tababaranimo, sidaa darteed waxaan sameeyay inteeda badan waxaana sameeyay wax kasta aan ku guuleysan karo.

“Waxaan nafsadeyda u sheegay, haddii ay 10-maalmood iiga harsan tahay joogista halkan, waxaan Tobankaas maalin ku noolaan doonaa halka ugu sarreysa, haddii ay iiga harsan tahay lix bilood, waxaan lixdaas bilood ku noolaan doonaa meesha ugu sarreysa. Kama fikirayo wixii markaa ka dambeeya.

“Waan ogahay inaan shaqada joogi doonin 10-sano.”.

Comments

comments

SHARE