Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Puntland ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab baxsad ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka.

‘’Dhibta Al-shabaab ay ku hayaan Koonfur meel walba wuu yaalaa, hadda waxaa ay bilaabeen markii ay culeys dareemaanba in ay aadaan meelaha ay is leeyihiin waad ku nabad-galeysaan, sida Shabaabka hadda ku dhuumaaleysanaya oo kale deegaannada Puntland’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada intaba isku mowqif laga yahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

‘’Al-shabaab in lala dagaalamo isku mowqif ayaan ka nahay haddii ay joogaan Koonfurta Soomaaliya iyo haddii ay joogaan Puntland intaba, sidaa daraadeed waan in aan Amniga ka wada shaqeyno ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Marka laga soo tago deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya xoogagga Al-shabaab ayaa dagaal ba’an kula jira ciidamada Puntland, iyaga oo marar badan oo hore sheegtay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka dhacay qeybo ka mid ah Puntland.

Comments

comments

SHARE