Updet: Ciidamada Somaliland Oo Saaka Dagaal Culus Ku Waabariistay Oo Dagaal Culus Ku Qaaday Ciidamada Maamulka Puntland Iyo Xaaalada Madaxweyne Farmaajo

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa waxaa ay ku ruqaansadeen magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweynaha dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sida hada uu noo sheegay qof ku sugan deeganka waxaa uu noosheegay in tuuladda Tukaraq ee Gobalka Sool oo kastamna u ahayd Maamulka Puntland ayaa Saaka aroortii Hore ay gaadheen Ciidamo Ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliladnd

Sidoo kale dadka deegankaas ayaa waxaa ay shabakada Ilaysnews.com u xaqiijiyeen in in Ciidamadaasi ay deegaanka Ku suganyihiin

Sidoo kale magaalada Tukaraq ayaa waxaa ay Garowe u jirta 100 KM halka magaalada Falayr-yaale ay u jirto magaalada Garoowe 70 KM

Dhinca kale Mid kamid ah wax garadka Deegaanka oo aan oo aan isna la hadley ayaa ii sheegay Goordhawayd in ciidamada Somaliland ay Sidoo kale goordhawayd gaadheen oo ay haatan ku suganyihiin deegaanka Falayr-yaale.

Mar aanu isku daynay in aanu arintan wax ka weydiino taliska ciidamada qaranka Somaliland iyo wasaarada gashandhiga ayaanay noo suurto galin  in ay naga qabtaan telefoonadooda ( Mobile )

Ugu Danbeyn arintaan ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweynaha dawlada fadeerlka ah ee Somalia Mudane Mohamed Farmaajo uu Shalay Garowe yimid .

Comments

comments