Somaliland: Oo Lagu Daray Warbixin Laga Diyaariyey 9 Isbedel Oo Sanadkii Galbaday Ka Dhacay Qaaradda Afirka & raadka Uu 2018-ku ku Yeelan Doono

Qaaradda Afrika ayaa la sheegay inay sannadkii hada dhamaaday ee 2017-kii u ahayd sannad loo soo joogay Isbedel baaxad leh oo qaaradda ka dhacay, waxaana Isbedeladda dhacay ahaayeen kuwo ay ka mid ahaayeen  Dhulka ahaaneed, Siyaasadda ahaaneed,  Bulsho iyo Dhaqaale ahaaneed iyo xata kuwo dhinaca Internet-ka oo dalal afrika laga jaray leh, waxaana faaladdan sannadkii tegay Afrika laga diyaariyey lagu xusay in halka dhaqaalaha Caalamku koboc weyn oo cajiiba uu ku talaabsaday inay Afrika dhaqaale ahaan ahayd mid iska caadi oo halkiisii hore waxba iska bedelin oo wax horumar ah sameynin. Warbixintan uu Wargeyska Saxansaxo ka soo xigtay Wakaaladda QuartzMedia waxa laga diyaariyey Isbedelka sannadkii tegay ee 2017-ku Qaaradda Afrika kaga tegay, ayaa lagu calaamadiyey 9 qodob oo waa weyni inay Afrika ka dhaceen sannadkii hore, balse sida faaladda lagu xusay raadadka Afrika ka dhacay sannadkii tegay ayaa la sheegay in aanay noqon doonin kuwo hadhay ee ay yihiin kuwo saameyntoodu sannadkan cusub ee 2018-ka ay sii muuqan doonaan, waxaana arimaha ugu culus ee warbixinta lagu dul istaagay lagu sheegay in Isbedelada Afrika sida togan u taabtay ee ka dhacay sannadkii 2017-da inay ka mid yihiin Ragii ugu awooda badnaa ee Afrika hogaaminaayey ee kaligood taliyayaasha ahaa  oo qaarna xukunka si iskooda uga degeen kuwo kalena Xoog Inqilaab taladda looga tuuray, waxaana arimaha kale ee Xiisaha badan ee warbixinta lagu sheegay ka mid ah inay Afrika heli doonto adeeg Internet Xawaare sare leh isla markaan Riqiis ah sannadka  cusub gudihiisa, iyada oo laga dayriyey dhinaca kale lacagta xad dhaafka ee Daynta Afrika la amaahiyo.

1)- Imtixaan adag oo soo food saaray hogaamiyayaasha kaligoodtaliyayaasha ee Qaaradda Afrika  (Tougher tests for long-serving autocrats).

Sannadkii tegay ee 2017-kii waxa uu u muuqday mid Imtixaan adag ku noqday ragii adkaaye Qaaradda Afrika Xukumaayey, tusaale ahaan, Bishii 1aad ee sannadii hore 2017-kii Madaxweynihii dalka Gambia mr Yahye Jammeh waxa uu iskaga degay Kursigii madaxweynimadda ee dalkiisa isaga oo mudo ku siman 22 sanno uu soo xukumaayey Gambia, halka Madaxweynihii dalka Angola mr José Eduardo dos Santos uu isaguna xukunka ka degay ka dib markii 38 sanno dalkaasi madaxweyne ka soo ahaa, laakiin warka ugu weyni waxa uu yahay ka dib markii ay Madaxweynihii dalka Zimbabwe mr Robert Mugabe ay xukunka ka tuureen Milatariga dalkiisu isaga oo aad u daweyn mudo sannado badana  soo haystay xukunka dalkaasi, hadaba sheekooyinka kale ee aadka u xiisaha badan ee Afrika Indhaha lagu hayo ayaa ah, Madaxweynaha 73 Jirka ee dalka Uganda mr Museveni oo isagana wakhti aad u dheer oo uu dalkaasi soo xukumaayey dhaafay hada dadii dastuurka dalkiisu u ogolaa in uu madaxweyne ka noqda waxa uu ambiil ka qaatay xeerka xadaynta dhinaca dada ee Kursiga dalkiisa cida madaxweynaha ka noqonaysa oo uu hada doonaayo in uu leekaysiiyo inta noloshiisa ka hadhay si uu Kursiga u sii haysto, Madaxweynaha dalka Cameroon mr Paul Piya oo dadiisu isagana tahay hada 84 jir ayaa sido kale doonaya in uu doorashadda madaxtinimadda ee dalkiisa ka qabsoomi doonta mar kale u tartamo iyada oo Gobolka Luuqadda Ingiriisiga lagaga hadlo ee dalkiisu xata ay ka soo horjeestiin dawladdiis oo ay gooni goosad ku hanjabeen hadii uu talada ku soo noqdo.

2)- Adeeg Internet Xawli ah oo Qaaradda Afrika Hesho (Bet on faster Internet in Africa )

Shirkaddaha Adeega Internet-ka bixiya ee Afrika, waxay ka shaqaynayaan sidii ay horumar uga sameynlahaayeen xaliwga awooda Internet-ka ee Qaaradda Afrika hesho, maadama oo imika la og yahay in Qaaradda Afrika xawliga Internet-ka ee ay hesho yahay mid aad u hooseeya marka loo eego Caalamiyan, Xajmiga awooda Internet-ka ee duniddu isticimasha awooda uu leeyahay, waxaana kale oo qorshahan xawliga iyo awooda Internet-ka  ay isticimaasho wadamadda Qaaradda Afrika ku jira maadama oo hada uu yahay mid aad u qaali ah Qiime ahaan adeega Internet-ka ee Qaaradda lagu isticimaala marka la barbar dhigo xata Qiimaha waddanka Singapore lagaga isticimaalo halkaasi oo 20 daqiiqo oo kaliya ay kugu qaadanayso hadii aad istidhaahdo xawliga uu ku shaqaynaayo Muuqaalka hal Film oo 7.8Gigabyte ah la deg, waxa jirta in dalalka Afrika qaarkood ay laba saacadood kugu qaadanayso hadii aad istiraahdo Muuqalka filim ama wixii la mid ah la deg, tusaale ahaan dalka Gaboon guddida guud ee  adeega Internet-ka ee loo yaqaano broadband speed waxay u aqoonsadeen in uu yahay dalka ugu Liita uguna hooseeya adeega Internet-ka uu yahay waddankaasi maadama qofku hadii uu is yidhaahdo muuqaal Internet-ka kala deg laga yaabo inay maalmo ku qaadato in uu muuqaalkaasi (Downlaod) garaysto ama uu sugo ugu yaraan laba maalmood inta uu u dhamaanayo, balse warbixinta waxa lagu sheegay inay jiraan dalal afrikaan oo xata ka horumarsan Maraykanka guddihiisa adeega xaga Internet-ka sida Kenya oo kale.

3-Xidhitaanka Adeega Internet-ka oo sannadii 2017-ka dalalka Afrika qaarkood u noqday Bartilmaameed (Targeted internet shutdowns).

Xidhitaanka Adeega Internet-ku waxa uu ka dhacay sannadkii tegay ee 2017-ka 9 Waddan oo Afrika ku yaala, kuwaasi oo aan ka xusi karno Ethoipia, Cameroon, Togo iyo Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin iyada oo ay adag tahay in si saxa loo ogaado sababaha rasmi ah iyo  Qiima ay ku kacday qiyaastii Adeegyaddan la xidhay, waxa calaamado cusub oo sannadkii hore la ogaaday ay muujinayaan ugu dambeyntii xidhitaanka Internet-ka ee dalalkaasi in uu si toosa iyo si dadbanba u saameeyey dhaqaalaha Afrika, waxaana saameynta raadka xun ee uu ka tegay  Internet-kii sannadkii hore la jaray uu muuqan doona xata sannadkan cusub ee 2018-ka, waxaana jirtay in Madaxweynaha dalka Kongo ee DR Congo la sheegay in uu Internet-ka iyo fariimaha SMS-ka ee laysku gudbiye ee  dalkiisa u xidhay si uu burburiyo mudaharaadadii xoogana ee isaga lagaga soo horjeeday iyo  si uu u xaqiijiyo in aan Amniga dalkiisa khalkhal la gelin, waxaana halkii uu Hay’addaha warbaahinta bartilmaameed ka dhiganlahaa ee ka soo horjeeda uu xidhay guud ahaan adeega Internet-ka ee dalkiisa.

4)-Afrika waxa la tacaalis Miinooyin ku ah Lacagta Daynta ah (Africa’s ticking debt bomb)

Tan iyo markii u horaysay ee sannadii 2006-dii ay dalalka Qaaradda Afrika si madaxbanaan heshiiska uga gaadheen, waxa jirtay  lacag Bilyanaad doolar ah oo Bahdilaad ku noqotay oo Dayn lagu leeyahay dalalka Afrika, taasi oo welwelka ay qabaan qaaradda Afrika mid sii xoojisay ku noqotay xadhka inay goosatay iyo khatarta in aanay dalalka Afrika daynta lagu leeyahay iska bixin karin iyada oo Daynta Afrika ay tahay mid ilaa sannadii 1980-kii ay qaadanaysay ka soo bilaabantay, waxaana Agaasimaha Hay’adda Lacagta Aduunka mr Christine Lagarde  oo la hadlaayey Wakaaladda Quartz waraysi siinaayey waxa uu ku hanjabay inay sannadan cusub ee 2018-ku inay mushkilada ay Afrika caadaysatay ee Dayn siintu noqon doonto mid meesha ka baxda ama la joojiyo.

5)-Si Xawli ah ayey u kori doonta (Bursting at the Seams)

Ku dhawaad Hal Bilyan iyo Badh dad ah (1.5 Billion People) ayaa ku soo kordhi doona waddamadda qaaradda Afrika marka la gaadho sannadda 2050, waxaana sida sheegay oo laga soo xigtay Xog cilmi baadhis oo Qaramadda Midoobay ay ku samaysay koboca dadyowga ku dhaqan 47 dal oo qaradda Afrika ku yaala dadkooda, waxaana 33 dal oo Afrika ah sannaddaha soo socda koboca bulshaddooda ee xad daafka ahi ay dawladdahooda iyo madaxda hogaamisa ku hayaan cabsi weyn inay xaaladdu faraha ka baxdo, sababto ah waxa adkaan doonta in koboca xad dhaafka ee dadyawga dalalka Afrika kor ugu socdaan inay sababto Waddamada ay dhasheen  dawladnimahoodu damaanad qaadi kari waayaan helida adeegyadda aasaasiga aha ee ay dadkooda u qabtaan baaxadda faraha badan ee dadka isbedelka ku imanaaya awgeed, waayo waxa dawladdaha Afrika ku adkaan doonta hadii ay dadku ku bataan bixinta adeegyadda iyo gaadhsiinta adeegyadda dawliga ah iyo shaqo u helida dadkooda iyo in si fiican loo kobciyo dhaqaalaha qaramadda Afrika.

6)-Ardayda Afrika waxay  aqoon iyo Waxbarasho ka doontaan Dalka China (Africa learning more from China)

Waddanka Shiinuhu waxa uu hada u yahay Hiigsi Ardayda Afrikaanka ah ee  waxbarashadda sare u doonta dalalka Qurbaha ee dibadda, waxaana hada Ardayda Afrika ka taga ee waxbarashadda dalka Shiinaha u tacabiro ay gaadhay  sannadkii 2015-kii xog baadhis la sameeyey Ardayda Afrika ka tagta in lagu ogaaday inay 50,0000  Arday dalka Shiinaha wax ku barasho u tageen  iyada oo waxbarashaddii waddamadda Ingiriiska iyo Maraykanka ay u doonan jireen sannadihii hore Ardayda Afrika ay uga weecdeen waddanka CHINA,  taasina waxay dalka Shiinaha u sahashay inay Waxbarashadooda Jaamacadduhu si caalami ah uga awood bataan aqoontii dalalka dhigooda ee reer Galbeedka waddamadda Afrika ardaydooda ugu diri jireen, waxaanay sido kale CHINA u sahashay waxbarashadda ay Afrika siiyaan inay awood badan Qaaradda Afrika si fudud ugu yeeshaan iyada oo Waxbarashadda Shiinuhu saameyn ku yeelan doonto dalalka Afrika Mustaqbalka Jiilasha dambe, waxaana sido kale meesha ka maqnayn in Ardayda Afrika ee Shiinaha wax ku soo bartay ay dalalkooda ku la soo noqonayaan Luuqada guud ee Qaranka China wakhtigan Casriga ah lagaga hadlo ee loo yaqaano (nurturing young pro-China Mandarin speakers).

7)-Saameynta  Isbedelka Ee Cimiladda Afrika Oo Sii Socota (Africa Climate Change’s Impact Continues)

Cimiladda ka sii daraysa iyo Isbedelka Cimilo ee ku yimid Qaaradda Afrika waa arin u muuqata cadaan ah wakhtiyadan dambe, waxaana laga fahmi karaa Kor u kaca Badda, korodhka Xaraaradda iyo ta ugu daran oo ah isbedelka ku yimid wakhti Roobaadkii oo khalkhal weyni ku yimid taasi kuwaasi oo xata  sababtay hadiiba roob la helo inay Fatahaado iyo Daadad Musiibo ahi ka dhashaan ama in Abaaro xoogani Waddamadda Afrika ku dhuftaan, tusaale yar hadii aynu u soo qaadano magaaladda Captwon ee dalka Koonfur Afrika waxa ka jiray sannadihii u dambeeyey dhib weyn ka dib markii aanay wax roob ahba aanu halkaasi ka da’in, taasi oo sababtay Abaaro baaxad leh iyo cabsi weyn oo hada laga qabo in Biyo la’aani gobolkaasi ka dhacdo.

8)-Maalgelin Badan oo Afrika Ka Bilaabmay  oo  Ganacsiga Agabka Casriga Ah (More Startup Funding, Tech Hubs)

Tan iyo sannadii 2016-dii waxa qaaradda Afrika ku soo badanaayey Maalgelinta kala duwan iyada oo ugu yaraan  aduunka Agabka qaaradda lagu maalgeliyey gaar ahaan waxyaabaha Casriga ah lagu qiyaaso aduun dhan $366.8 Milyan Dollar, waxaana ilaa iyo wakhtigaasi laga soo bilaabo sii kordhaayey kalsoonida ay maalgashadayaasha dunidu afrika ugu muujiyeen inay dhaqaale geliyaan meelo badan, waxaana ka mida dalalka Afrika ee maalgashiga fiicani ka hirgalay sida Nigeria, South Africa iyo Kenya, Nigeria, waxay dhamaan dalalkaasi soo jiiteen inay helaan  maalgashi ka tiro badan dhamaan dal kasta oo qaaradda Afrika ka jira, waxaana dhaqaalaha dalalkan oo ah mid nidaamka Casriga ah ku jaan go’an, waxa la arkay in Barnaamijyadda Casriga ee bulshaddu isticimaasho sida Google, Facebook iyo dhamaan ay si xawli ah uga la jaanqaadeen dalalkani iyada waliba ay lacag yihiin adeegyadaasi.

9)-Dadyoga Afrika waxay u socdaali doonaan si fudud  (Africans will travel easier)

In lagu socdaalo Baasaboor Afrika ay leedahay gudaha qaaradda iyo guud ahaan Caalamka oo dhan in la helo waa arin aad u adag, laakiin sannadii hore ee hada dhamaatay ee 2017-dii, dadyoowga ku nool Qaaradda Afrika waxay si tamashle iyo xoriyad leh ugu dhex socdaaleen qaaradda guddaheeda, waxaanay dawladdaha Afrikanka ahi isku ogolaadeen inay Bulshooyinkoodu isku socon karaan oo aad ay xudduudaha iskaga gudbi karaan si loo dhiirigeliyo isku socodka mandaqadda ee dhinacyadda ganacsiga iyo Dalxiisayaasha dalalka Afrika, waxaana ka mida dalalka qaaradda ee arinta ku guulaystay sida Kenya, Nigeria, Namibia kuwaasi oo kala sixeexday Siyaasadda Fiisaha dalku galka ee waddamadaasi oo ay ogolaadeen inay xata dadyowga dalalka qaaradda afrika ee dalxiisayaashu ku iman karaan nidaamkan, waxaana jirto rajo laga qabo inay sannadkan curtay dalal kale oo badan oo Afrika ahi ay nidaamkan qaataan.

Turjumaadii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Comments

comments

SHARE