Mohamed Salah oo mar kale ku guulaystay laacibka bisha ee taageerayaasha horyaalka ingiriiska

Weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay markii labaad oo xiriir ah abaal marinta PFA player of the month.Mohamed Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican bishii dhamaatay ee December, wuxuuna kooxdiisa ku hogaamiyay guulo wax ku ool ah.

Liverpool’s Mohamed Salah celebrates scoring his side’s second goal during the Premier League match at Anfield, Liverpool.

Laacibka reer Masar ayaa ka dul qaaday abaal marintaan xiddigaha kale ee kala ah Philippe Coutinho, Kevin de Bruyne iyo Harry Kane.

25 jirkaan ayaa helay 50% codadkii ay dhiibteen taageerayaasha horyaalka ingiriiska, kadib markii uu 5-gool dhaliyay bishii dhamaatay isaga oo caawiyay 3-gool, 7-kulan oo kooxdu ay ciyaartay bishaas.

Waa bishii labaad oo xiriir ah oo laacibku uu ku guulaysanayo abaal marintaan, kadib markii uu ku guulaystay bishii November.

Comments

comments

SHARE