Ereyo CARABI ah oo lagu arkay xabadka Coutinho (Aqri macnahooda)

Laacibka ku cusub kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu arkay xabadkiisa ereyo carabi ah.

Waqtigii laacibku uu marayay tijaabada caafimaadka ayaa laga qaaday dhawr sawir, waxaana si lama filaan ah loogu arkay hadal dhamaystiran oo luuqada carabiga ah oo uu isku xardhay.

 

“Waad ku mahadsantahay inaad ahaato saaxiibkeey” ayaa ugu qoran Philippe Coutinho xabadkiisa.

Lama garanayo sababta laacibku uu Tattoo-gaan luuqada carabiga ah uu ugu qortay xabadkiisa, laakiin waxaa la ogsoonyahay in dhawr bilood ay Liverpool saaxiibo ku ahaayeen Mohamed Salah.

Comments

comments

SHARE