Deg Deg: Khasaarihi Ka Dhashay Dagaalki Saaka Ee Ciidamada Qaranaka Somaliland Ee Maamulka Puntland

Sida la ii Xaqiijiyay ” ilaa hadda Khasaaraha ka dhashay Hawl-galkaas Ciidamda qaranka Somalilad Jiida hore ka fulinayaan ayaa ah, Hal Askari oo Dhimasho ah iyo hal askari oo Dhaawac ah dhinaca somalland,
Halka Maamul-goboleedka Puntland-na Dhimashadu tahay 2 Askari iyo 2 Dhaawac ah, balse Ciidamda Somaliland ayaa Nolosha ku Qabtay Hal askari oo dhaawac ah oo Ciidamda Puntland ka tirsan.

Dhaawaca askariga somaliland iyo dhaaawaca kale ee askariga reer Puntland ee ay Ciidamadu Soo qabteen ayaa la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Laascaanood oo lagu dabiibayo, waxaase la filayaa in Askariga Ciidamda Puntland ka tirsan loo soo gudbiyo dhinacaa iyo magaalada hargaisa isaga iyo askariga kale ee Somaliland ka dhaawacmayba.

Welise Dagaalku wuu sii socdaa wallow uu yaraaday hadana waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaasta noocayadeeda kala duwan.

ilaahay ha kala Qaboojiyo, waa Dad Muslim ahe

Comments

comments

SHARE