Cavani iyo Pastore oo laga reebay Shaxda PSG iyagoona wajahaya Ciqaab adag

Edinson Cavani iyo Javier Pastore ayaa laga saaray shaxda kooxda PSG waxayna wajihi doonaan ganaax lacageed oo xoogan kaddib markii ay ka soo dib dhaceen ka soo laabashada fasixii dabaal dega sanadka cusub.

Ilo wareedyo ku dhow kooxda ayaa sheegay in labada xiddig ay wajihi doonaa ciqaab adag iyadoo Cavani uu labo maalmood dib u soo dhacay halka Pastore uusan weli iman.

PSG ayaa maanta wajaheysa kooxda Rennes tartanka French Cup.

Cavani ayaa la sheegay inuu doonay inuu dabaal dega sanadka cusub la qaato reerkiisa wuxuuna dhib kala kulmay inuu xajisto duulimaadkii uu dib ugu soo laaban lahaa, weeraryahanka muhiimka u ah PSG ayaana ku faraxsanaan doona inuu ugu yaraan dib ugu soo laabtay Paris.

Pastore ayaa Yahoo Sports ee Argentina u sheegay inay heysatay arrimo shaqsi ahaaneed ay tahay inuu xasiliyo.

Comments

comments

SHARE