Deg Deg: Ma Dhaba Inu Madaxweyne Farmaajo Iman Doono Gobalada Bariga Somaliland + Safarkiisa Garoowe

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrives for celebrations to mark the 57th anniversary of the Somali National Armed Forces in the capital Mogadishu on April 12. President Farmajo has declared war on Al-Shabab militants. FEISAL OMAR/REUTERS

Madaxweynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la filayaaa inuu soo gaadho magaalada Garoowe ee maamulka Puntland , halkaas oo hada laga dareemaayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa .

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhulka Puntland ku sugnaan doono Muddo Afar Maalmood ah waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu booqasho ku tagi doono deegano ka tirsan gobalka Sanaag ee Somaliland , Gaar ahaan Sanaag Bari .

Wararka ayaa sheegaya inuu waftiga Farmaajo hordhac u ahaa wasiirkii qorsheynta Somaliya ee dhawaan Socdaalka ku yimid gobalka Sanaag , kaas oo kulmo uu la yeeshay odayaasha deeganka iyo wax garadka u sheegay in madaxweyne Farmaajo soo booqan doono jidka isku xidha Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo oo uu sheegay in dawlada Moqdisho ay lacag ku dareyso dhismaha jidkaas.

Mr Farmaajo ayaa waxaa uu furi doonaa mashariic ka hir galay Puntland oo lala sugaayey inuu isagu furo sida dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyey madaarka Garoowe , waxaana uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Puntland .

Dawlada Puntland ayaa la eegi doonaa talabada ay qaado hadii Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado deegano ka tirsan Somaliland , iyadoo xukuumadu socdaalkii wasiirka qorsheynta ku tilmaantey daandaansi

Comments

comments

SHARE