Deg Deg: Wasiirka Xaga Ayu Ku Sugan Yahay Wasiiirka Maamulka Somaliya Ee Ku Sugan Somaliland + Xaga U Sexday + Ujeedada Uu Socdo 

24

Masuulkii U Sarreeyey Ee Ka Tirsan Maamulka Farmaajo Oo Markii U Horeysay Xilli Habeen Ah U Hoyday Guddaha Somaliland Iyo Dhaq-Dhaqaaqyo Uu Ka Wado Gobollada Bariga

Masuulkii u sarreeyey ee ka tirsan Maamulka Muqdisho, ayaa markii u horreysay waxa uu socdaal ku tegay qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaannada Bariga Gobolkaas.

Wasiirka Qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maalintii shalay waxa uu booqasho ku tegay deegaanno ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag, isaga oo xalayna u hoyday Degmada Badhan ee Gobolkaas.

Wasiirkan ka tirsan Maamulka Farmaajo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa waxa uu kulamo kala duwan kula yeeshay Deegaannada uu maray Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Masuulkan waxa kale oo uu dhagax-dhigay xarun Boolis oo laga hirgelinayo magaalada Midigale ee Gobolka Sanaag, waxaanu sidoo kale la kulmay guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaana uu wasiirku bogaadiyey sida ay wax u socdaan.

Xukuumadda Somaliland iyo Ciidammada Qaranka, ayaan ka hadal masuulkan ka tirsan Dawladda Somalia ee socdaalka ku dhex mushaaxay Deegaannada Somaliland ka tirsan, iyada oo uu weliba uu xalay u hoyday deegaankaasi.

Waa markii u horreysay ee Masuul xil sare ka haya Dawladda Somalia uu ku soo dhiirado inuu socdaal ku yimaado deegaanno ka tirsan Somaliland.

Deegaannada uu maray Wasiirkan Maamulka Muqdisho ka tirsan, ayaa ah deegaanno inta badan aanu gaadhin maamulka iyo Dawladnimada Somaliland, isla markaana ay ka jiraan duruufo adag oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada ah.

Tallaabadan uu gudaha Somaliland ku soo galay Wasiirka Qorsheynta ee Somalia, ayaa haddii aanay Xukuumadda Somaliland jawaab cad ka bixin, waxa ay keeni kartaa in ay masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Muqdisho ay si fudud ku yimaadaan Deegaannada Bariga Somaliland.

 

Comments

comments

SHARE