Deg Deg: Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliya Oo Ka Hadlay Ujeedada Socdaalkiisa Iyo Arrimo Xasaasi Ah Oo U Somaliland U Yimiday + Muuqaal Cajiib ah

Madaxweyne Kuumaanu dooran in aad caruurta timaha ka Xiirto’e, waxaanu kuu Dooranay in aanay dhicin Talaabadan oo kale,

Waa markii ugu horeysay Taariikhda Somaliland ee Wasiiro Somalia ka socdaa, yimaadaan Gobolada Barri gaar ahaan Sanaag,

Waa markii ugu horeysay ee ay nabad kaga shaaheeyaan, kula sheekaaysataan, kagana dhex showraan arimaha somalia gudaha Dalkeena,

Waa markii u horaysay ee sida sawirkaas idiinka muuqata Calanka somaliland isagoo maamul goboleed lagu sheegayo laga dul taago calanka somalia,

Madaxweyne waxaa muuqataa in Boqolkii cisho ee ugu horeysay dowladnimadaada in aanay shacabkii ku doortay waxqabad iska daaye ay dhacday in calanka somalia lala soo galo gudaha dalka, weliba aniga si gaar ah ayay ii dhibaysaa oo meesha wasiirada Somalia ka dhex Goodinayaan waa Gobolkaygii Sanaag.

ilaa hada Madaxweyne laba Go’aan ayaa Xukuumadaada ka soo baxay Midi wuxuu ahaa kan Ciidamadu Timaha Dhalinyarada kaga xiirayaan, Wallow Aad sheegteen in aydin Xukumin idinku, Midna waxa uu ahaa kii Hanbalyada Sanadka Cusub aad ku Xaaraantimayseen,
labadaa Go’aan Midna waxba kama Fulin, oo waxa ay ku koobnaayeen Xaafado Hargaisa ka mid ahe, Dowladnimadeenu ka faafto oo Khayriyada ha dhaafto oo Gobolada Dalka ha gaadho, Waanu ku Jecelnahay Madaxweyne oo waanu kuu Hanweynahaye,

Is-dhexyaacii laga dhiidhinayay baa Madaxweyne weli jira, Wasiirkaaga Diintu waxa uu soo saaray Go’aan ahaa in aan laysku Hanbalyayn-karin sanadka Cusub lana Dabaal-degi karin, waanu soo dhaweynay oo Go’aan islaanimo ayuu ahaa,

Ugu horeynba adaa jebiyay oo Hanbalyadii bilaabay, ta labaadna Go’aankii dabaaldegu muu fulin oo Hargaigsa qaybo ka midaa showyo iyo dabaaldegyo lagu hayay,

Ceeb bay Madaxweyne ku tahay dalka Maamulkiisa nasiibku ku siiyay, in Wasiiro Somalia ahi inagu soo xad-gudbaan oo weli, marka labaadna waxaa inagu ceeba in Go’aamada aad gaadhaan dalka si siman uga wada shaqayn waayaan oo uu xaafado ku koobnaado, waana in aad ka hadashaan xadgudubka Somalia ku soo samaysay Xuduudeheena

Comments

comments

SHARE