David Silva Oo Sheegay Dhibta Haysataha Iyo Calool Xumo La Soo Daristay Taageerayaashiisa Khaaska Ah

aacibka Manchester City ee David Silva ayaa ugu danbayntii adduun waynaha la wadaagay dhibka haysta.

Xiddiga reer Spain ayaa dhawr kulan sabab aan la shaacin u seegay xiliciyaareed kaan, dadka ayaana shaki badan ka muujiyay caafimaad qabkiisa.

David Silva ayaa sheegay inuu u dhashay wiil dhicis ah kaas oo dhashay isaga oo aan bila dhamaysan (7-bi jir), dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya caafimaadka iyo korinta wiilkaas yar.

31 jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“Waxaan doonayaa inaan idiin mahadceliyo dhamaantiin jacaylkii aad ii muujiseen, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa asxaabteyda kooxda, tababaraha iyo dhamaan inta joogta kooxda sidii ay u fahmeen xaaladeyda”.

“Sidoo kale, waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhalashada wiilkeyga Mateo, kaas oo dhashay inbadan ka hor waqtigii la filayay, wuxuuna maalinba tan ka danbaysa la dagaalayaa caawimaada kooxda caafimaadka”.

Comments

comments

SHARE