Chelsea oo dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Arturo Vidal

83

Chelsea ayaa dalabkii ugu horeeyay hordhigtay Bayern Munich si ay u hesho xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal.

Wararka ka imaanaya Chile ayaa daaha ka qaaday in Chelsea ay hordhigtay Bayern Munich lacag dhan 33 milyan oo Ginni.

Balse Bayern Munich ayaa ku doonaysa 30 jirka reer Chile adduun dhan 53 milyan oo Ginni si ay u fasaxdo suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Tababare Antonio Conte ayaa si wayn u doonaya Vidal oo ay waqti ku soo wada qaateen Juventus, markaas oo ay 3-horyaal wada qaadeen.

Wuxuuna si cad u sheegay inuu aad u doonayo Arturo Vidal si uu u keeno galbeedka London, wuxuuna u arkaa laacib sifiican u hirgalin kara falsafadiisa.

Comments

comments