Aguero oo ku taageeray Harry Kane u dhaqaaqida Real Madrid

50

Weerar yahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ku taageeray dhigiisa Tottenham ee Harry Kane ku biirida Real Madrid.Harry Kane oo noqday gool dhaliyaha koowaad ee sanadkii tagay, isla markaana meel saaray Ronaldo iyo Messi ayaa lala xiriiriyay Real Madrid.

Aguero oo ka hadlay arinkaas ayaa sheegay in Harry Kane uu u qalmo inuu ku biiro koox wayn oo leh miisaanka Real Madrid oo kale.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay Cadena Ser ayuu yiri Aguero:

“Kane waa laacib aad u fiican, wuxuu leeyahay xirfad sare, mana u malaynayo inuu la kulmayo dhibaato haddii uu ku biiro koox wayn oo Real Madrid oo kale ah”.

“Ma garanayo waxa uu ku fikirayo, laakiin waa mid kamid ah weerar yahanada ugu wanaagsan horyaalka ingiriiska, balse go’aanka isaga ayaa leh”.

Real Madrid ayaa la filayaa inay u dhaqaaqdo soo xerogalinta Harry Kane suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Comments

comments

SHARE