Waa sidee xaladaha dhaawac ee De Bruyne iyo Gabriel Jesus?

80
LONDON, ENGLAND - DECEMBER 31: Gabriel Jesus of Manchester City stretches as he battles with Andros Townsend of Crystal Palace during the Premier League match between Crystal Palace and Manchester City at Selhurst Park on December 31, 2017 in London, England. (Photo by Clive Rose/Getty Images)

Manchester City ayaa waxaa weerar kusoo qaaday dhaawacyo iyadoo ay hal mar ka soo wada dhaceen xiddigaheeda muhiimka ah ee Kevin De Bruyne iyo Gabriel Jesus.

Balse kooxda Guardiola ayaa iminka helaysa war farxad leh kaddib markii la sheegay inay fiican tahay xaalada kubbad dhisahooda ee De Bruyne.

Wiilka reer Belgian ayaa garoonka bareelo looga qaaday kulankii axada ka dhacay Selhurst Park kaddib markii uu si xun u jilaafeeyay Jason Puncheon ee u saftay Crystal Palace.

Xiddiga City ugu fadhiya 54 milyan ayaa saaxiibadiisa u sheegay inuu aad u fiican yahay isla markaana aysan jirin wax laga walaaco.

Laakiin weeraryahanka Jesus ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Maarso kaddib dhaawac daran oo ka gaaray Jilibka.

Macallinka ka arrimiya Etihad Stadium ee Guardiola ayaa lagu wadaa inuu maanta go’aansado in De Bruyne uu qeyb ka noqon doono kulanka caawa ee Watford iyo in kale.

Waxaase lagu wadaa inuu isbadelo ku sameyn doono safkiisa waxaana la arkaa inuu fariisiyo 26-jirka si uu jugta uga soo kabto.

Comments

comments

SHARE