Waa Maxay Sababta Dhakhaatiirtu Waraaqaha Dawooyinka Ugu Qoraan Far Aan La Fahmayn ?

Waa Su’aal aynu had iyo jeer isweydiino Maxay Dhakhaatiirtu Warqadaha ay u qorayaan Dadka Bukaanka ah haddii ay tahay kuwa Dawooyinka iyo Kuwa kaleba ay ugu Qoraan Far aan la fahmayn?.

Jawaabtaasi waxa cilmi baadhis ku sameeyay Machadka Dhakhaatiirta ee Dalka Maraykanka, jawaabta su’aashaasi waxay leedahay dhinacyo badan waxaana ka kow ah in sababta ku kaliftay dhakhaatiirta inay farta ay ku qoraan qoraalkaasi aan la fahmayn ay tahay waraaqahay wax ku qoraan oo aad u yar isla markaasina ay ku qasbanyihiin inay soo koobaan qoraalkooda.

Sidoo kale, waxa ka mid ah sababaha ku kalifay dhakhaatiirta arrintaasi kuyuuga dheer ee dadka bukaanka ahi ay ugu jiraan dhakhaatiirta, taasi oo sababaysa inuu dhakhso u qoro qoraalkiisa si uu dadka sugaya oo dhan ugu shaqeeyo oo uu waqtiga uu shaqanayo ugu filnaysiiyo.

Arrinta saddexaad ayaa waxay tahay arrin aad u cajiib ah oo ah in dhakhaatiirtu ay waraaqahaasi ku keydiyaan Faylal oo aan dib loo eegayn.

Dhammaan arrimahaasi waa kuwa sabab u ah in dhakhtarku uu dadka bukaanka ah u qoro qoraal aan dad badani akhriyi karin.

Comments

comments

SHARE