Somalia: Ciidamada Kenya oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

22

Ciidamada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay shalay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in sha xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal  qorsheysan, islamarkaana ragga la dilay ay ahaayeen Ciidamadii weeraray Gaarisa iyo ijaara laguna dilay weerar ay ku baadi goobayeen.

Waxa ay sheegeen Ciidamada dowladda Kenya ay soo qabteen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Afhayeenka KDF Col. David Obonyo ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay la kulmeen Gaari laga qaatay Saldhigga Ijaara,kaas oo walxaha qarxa lagu xiray kaddibna la bur buriyay,sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 5 Qori oo AK47 ah,13 Joornaal,370 Xabbo oo rasaas ah,Labo Garneyl iyo maaddooyin laga sameyn karo walxaha qarxa.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenkii sabtida Weerar ku qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

Comments

comments

SHARE