“Ma garanayo goortuu soo laaban doono Silva.”.-Guardiola

16

David Silva ayaa muhiim u ahaa qadka dhexe ee Manchester City ee sida qurxoon ku bilaabatay xilli ciyaareedka balse Pep Guardiola ayaa qiray inuusan garaneyn goorta uu soo labaan dooono kubbad qaabeeyihiisa kaddib sababo shaqsi ahaaneed uu ku maqnaa.

Wiilka reer Spain ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ay kooxdiisu ku wajahday Newcastle United iyo Crystal Palace, ciyaartii ugu dambeysay uu ka soo muuqdo ayaana ahayd guushii ay ka gaareen Bournemouth.

Silva ayaa seegay guushii ay Tottenham ka gaareen 16-kii December sababo shaqsi ahaaneed laakiin maalmo yar kaddib ayuu soo laabtay.

Shirkii Jaraa’id ee axada, macallinkii hore ee Barcelona ayaa si cad u sheegi waayay xaalada Silva.

“Wuu soo laaban doonaa markuu diyaar yahay,” Pep ayaa sidaa yiri.

“Nolosha shaqsiyadeed ayaa had iyo jeer aad uga muhiimsan xaalad kasta oo kale.

“Markuu soo laabto waxay noqon doontaa inuu dareemayo inuu diyaar yahay.”.

Comments

comments

SHARE