Klopp oo war hor leh ka soo saaray xaaladaha Maxamed Saalax iyo Coutinho

76

Dhaliyaha ugu sarreeya Liverpool kal ciyaareedkan iyo kubbad qaabeeyaha reer Brazil Coutinho ayaa dhaawacyo ku seegay ciyaartii ay xalay kooxdoodu dirqiga uga adkaatay Burnley.

Labada laacib ayaa sidoo kale iminka la warinayaa inuu shaki ku jiro inay ka soo muuqan doonaan kulanka Merseyside derby.

Reds ayaa Jimcaha la ciyaari doonta Everton wareega saddexaad ee FA Cup.

Jurgen Klopp ayaan hubin taam ahaanshaha labadiisa laacib wuxuuna yiri:

“Salah iyo Coutinho way dhaawacan yihiin ma ahan mid ballaaran balse waa mid ku filan inay fursad ka heli waayaan kulanka maanta.

“Shaki ayaana ku jira, ugu yaraan shaki ayaa ku jira kulanka Everton.”.

Waa guushii labaad 48-saac gudahood ay gaarto Liverpool kaddib markii ay sabtidii ka soo adkaatay Leicester City.

Comments

comments