DegDeg: Wasiirka Qorshaynta Dawladda aan iskeed isku Maamulin oo kusoo wajahan Badhan

Ninka Wasiirka qorshaynta ugu magacaaban Xukumada qaldhabaysa ee Farmaajo, Jamaal Xasan iyo wafti uu hogamaaniyo oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Puntland ayaa maanta waxa u qorshaysan inay booqdaan gobolka Sanaag, gaar ahaan Magalada Badhan. Haday u suurogasho wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay ee Somaliland u dhashay ee isagoo xil sare ka haya xukumadaha gacan ku rimiska ah ee Villa Somalia ajnabigu ku wardiyeeyo ee Somaliland soo booqda tan 1991. Mar sii horaysay Abdiwali Gaaska Puntland ayaa sheegay inuu gobolka Sanaag booqan doono, laakiin markii dambe safarkiisii baajiyay cabsi darteed.

Talabooyinkan jar iska xoornimada ah ee ay qaadayso xukumada Inan la yaalka ah ee Farmaajo ayaan u malaynayaa inay isku muujinayso ka dib culaysyo, mooshino iyo fashilaado soo kordhaya oo ka haysta magaalada Muqdisho iyo beesha Habar Gidir oo ay madaxa iskula jiraan.

Tolow Shankaroonland safarkan maka war qabtaa?

 

Comments

comments

SHARE