Dawlada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd si kulul uga hadashey maamulkii hawda dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo Somaliland ka mid tahay oo si rasmi ah loogu wareejiyey Dawlada Somaliya isla markaana maanta  xadhiga looga  jaray goobtii laga maamuli lahaa hawda Somaliya .

Mareeyaha Haay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Duuliye Sare Maxamed Cabdi Rodol oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadley ayaa ka digay khatarta ka iminka karta hadii hawda dalkii Somaliya  la isku odhan jiray lagu wareejiyo oo kaliya maamulka Moqdisho

Sidoo kale Maareyaha ayaa waxaa uu Dawlada Somaliya ku eedeyey in ay ka baxdey heshiisyo arintan ku saabsan oo labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya ku kala sexeexdeen Heshiisyadii Turkiga ka dhacay

 

Comments

comments

SHARE