Somalia: Cumar Cabdirashiid Sharmaarke Oo Sheegay In Siyaasadii Muqdisho Dhaqan Cusbi Ku Soo Kordhay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ahna Senator ka tirsan Aqalka sare ayaa sheegay in sanadkan ay Siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhay in la is gaaleysiiyo sida dhaqankii Al-Shabaab lagu yaqiinay.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in cid walba oo ka aragti duwan dowladda ama ka hadasha waxyaabaha socda loola dhaqmayo sidii Al-Shabaab dadka ka aragti duwan u gaaleysiisa.
“Siyaasadda Soomaaliya waxaa sanadkan ku soo kordhay fasahaad, qof alla qofkii ka aragti duwan, dowladda ama habka waxa socda ka hadla waa la dhahaa qofkaas waa Qaran dumis, carqaladu wadaa, runtii waa dhaqan Al-Shabaab lagu yaqaanay oo dadka ka aragti duwan ku gaaleysiiya, siyaasadda Soomaaliya dhaqan noocaas ah ayaa ku soo siyaaday.”ayuu yidhi Cumar C/rashiid.
Mar wax laga weydiiyay eedeynta loo soo jeediyo oo ah inuu u shaqeeyo Imaaraadka Carabta ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, isagoo xusay in Imaaraadka Carabta ay degan yihiin Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, isla markaana wax aan degenaansho aheyn kaliya aanay u joogin.
Dhinaca kale Cumar C/rashiid ayaa baaq u diray beelaha ku dagaalamaya dhulka howdka ah ee Gobolka Sool, waxaana uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan

Comments

comments

SHARE