Sucuudiga: Adeeg Khalkhaliyey Dadka Isticmaala Whats App-Ka Oo Ilaa Iyo Haatan La Baadhayo !

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada ee Dalka Sucuudiga ayaa waxay sheegtay inay ku daba jiraan sidii ay u ogaan lahaayeen Adeeg basaasnimo oo gaar ah, adeegan ayaa waxa uu khalkhal galinayaa farriimaha kala duwan ee ay isku diraan dadka isticmaala adeega Whattsapp.

Sida lagu baahiyay Wargeyska Cukad ee ka soo baxa Dalkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa lagu sheegay in adeegan been abuurka ah ay teleefanadooda ku soo dejisteen in ka badan Hal milyan oo qof, digniin ku saabsan adeegani ayaa loo diray dhammaan dadka dalkaasi ku nool si ay uga feejignaadaan adeegaasi halista ah.

Adeegan ayaa la filayaa inuu yahay mid basaasaya dadka farriimahooda waxaana la sheegay inuu leeyahay isla magaca iyo summada Whatts app-ka oo kale.

Comments

comments

SHARE