Cajiib: Waa Kuma Xidiga Ugu Goolasha Badan Sanadka 2017 ?

Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa seddexley uu goordhaweyd ka dhaliyay kooxda Southampton kulankii ay Tottenham ku badisay 5-2 ayaa waxa uu ku noqday xiddiga ugu goolasha badan sannadkan 2017.

Seddexa gool ee uu Wembley Stadium maanta ku dhaliyay Harry Kane ayaa waxa ay la micno tahay inuu sannadkan 2017 ee sii dhamaanaya uu dhaliyay 56 gool taasoo ka badan inta ay dhaliyeen sannadkan xiddigaha La Liga ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa ka dib kulankii El Clasico waxa uu xaqiijiyay sannadka 2017 inuu ku dhameysanayo isagoo ka goolal badan xiddiga ay xafiiltamaan ee Real Madrid Cristiano Ronaldo isagoo goolkii rigoorada uu dhaliyay uu ahaa goolkiisii 54aad ee sanandkan 2017.

Cristiano Ronaldo ayaana sannadkan 2017 ku dhameystay isagoo dhaliyay 53 gool. Xiddigaha La Liga ee Messi iyo Ronaldo ma ciyaari doonaan ilaa iyo sannadka cusub ee 2018 iyadoo horyaalka La Liga uu galay fasaxa jilaalka.

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski iyo xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani ayaa iyagana sannadkan 2017 waxa ay dhaliyeen 53 gool si la mid ah Ronaldo.

Harry Kane ayaase maanta ka sarre maray xiddigahaan waa weyn isagoo gaaray goolashiisii 56aad ee sannadkan 2017 kulankii ay maanta Tottenham ay 5-2 kaga badisay kooxda Southampton.

Dele Alli iyo Heung-Min Son ayaa labada gool kale u saxiixay kooxda Tottenham kuwaasoo si ku meel gaar ah u soo galay kaalinta afaraad ka hor inta aysan ciyaari Liverpool iyo Arsenal.

Comments

comments

SHARE