Boobe Yuusuf Oo Naqdiyey Kulankii ay Wasiirraddii Siilaanyo Ku Yeesheen Hargeysa

“Anigu Garan Maayo Qolodan {Wasiirraddii Xukuumaddii Madaxweynihii Hore Ee JSL} Waxay Sugaan, Xilkoodii Wuu Dhamaadaye, Haddii Dedaalkii Ay Sameeyeen Intii Ay Xilka Hayeen Ay Innoogu Darayaan Imika Inay Furan Jabhada Wasiirradii Jabay (Jawjab), Oo Ictiraafka soo dedejinayaan, anigu waa u mahadnaqaya, haddi kale se Madaxweynuhu waa kii xilka wareejiyey ee…………” Mujaahid Boobe Y. Ducaale

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa hadlay kulan ay isugu yimaadeen Wasiiradii hore ee Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo. Qoraa Boobe oo warbaahinta la hadlay shalay waxa uu si adag u naqdiyey kulankaasi. Isagoo Mujaahidku ka hadlayaan wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan;

 

“waan daawanayaayay oo laba dhacdoba wax kasoo qaadbay laahaayeen. Waxaan maqlay madaxweynaha cusub Muuse Biixi oo tabobar u furay wasiirradiisa, waxan kaloo aan maqlay madaxweynaha oo qado-sharafeed u sameeyay wasiirradii hore. Laba madaxweyne oo laba munaasibadood midna goobjoog ahaa midna aanu goobjoog ahayn. Mid Muuse Biixi baa joogay oo waa loo wada dhamaa, mida kale ninkii hadalka furay wuxuu yidhi ‘anigoo madaxweynaha ka wakiil ah, madaxweynuhu wuxuu qado-sharaftan u fidiyey. Dee dhawr jeer buu ninkaasi hadlayaa ku celceliyey ereyga madaxweynuhu, waxay aniga ila tahay madaxweynuhu xil buu wareejiyey. Kol hadduu isagu tegay dee iyaguna wey tegeen.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlayay Qabo oo aan maqlayay isagoo leh ‘waa inaynu isku duubnaanaa waa inaynu isku xidhnaanaa. Waxa kaloon maqlayay mid akle oo lahaa ‘malaha idinku waad xishoonaysaane, madaxweynu waa inuu innoo yeedhaa oo innoo yimaadaa’

Anigu garan maayo dhaqankaaasi meel uu kaga jiro. Nin la yidhaa Cabdilaahi Dheere ayaa ku kaftamay ‘Inankaa Kaamil-koodhka waa loo yeedhayaa malaha’. Oo Berrigii Ingiriisku Kaamil-koodhka intuu qoryihii ka dhigay ayuu laba bilood oo mushahar ahna siin jiray oo uu odhan jiray Ordaha waa la idiin yeedhi doonaa. Dee anigu maanta ma qabo inuu Siilaanyo ku yidhi qoladan intuu abaabulay, waa laydiin yeedhi doonaaye kala taga.  Anigu garan maayo qolodan {wasiirraddii xukuumaddii madaxweynihii hore ee JSL} waxay sugaan xilkoodii wuu dhammaadaye, Haddii dedaalkii ay sameeyeen intii ay xilka hayeen ay innoogu darayaan imika inay furan Jabhada Wasiirradii Jabay (Jawjab) oo taasina ay ictiraafka Soo dedejinayso, dee anigu waan u mahadnaqayaa. Haddii kalena waxaynu leenahay madaxweynu waakii xilka wareejiyey ee isagoo shicib ah dhex lugeynayay magaaladda taasiba waa Farriin ee sidaasi ay tahay wax ha u akhriyaan, sabab uu shir u qabsadana annagu garan mayno.”  ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale

Comments

comments

SHARE