Deg Deg: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iskugu Yeedhay Labada Golaha + Nuxurka Waxyaabo U Ugu Yeedhay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Kulan La Qaatay Shirgudoonka Wakiilada Iyo Guurtida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyey ee shirgudoonka labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan.

1. Waxa laga wada hadlay oo xooga la saaray adkaynta iyo sii xoojinta nabadgelyada dalka

2. Diyaar garawga iyo dhamaystirka xeerarka doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka intaan la gaadhin 13-March-2019ka, waxaanu madaxweynuhu labada gole xog ka siiyey kulan uu la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka oo la xidhiidha diyaar garawga doorashooyinkaasi

3. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo xidhay Xoojinta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda iyo labada gole.

Kulankan ayaa daba socda kulamo muhiima oo madaxweynuhu maalmihii u danbeeyey la yeelanayey masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ujeedadiisu tahay adkaynta iyo wada jirka danta qaranka iyo ta shacbigaba.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Comments

comments

SHARE