Somaliland: Sheekh DABSACAR Oo Diyaaradi Dib-Ugu Soo Celisay Madaarka Hargaysa.

Sheekh Dabsacar oo maalmihii u danbeeyay Hargaysa ku xidhnaa,ka dib markii uu arrimo Somali-weyn ku saabsan kaga hadlay Bartiisa Facebooka-ga,isaga oo jooga Goobaha laga cunteeyo ee Magaaladda Hargaysa,ayaa waxay Ciidamadda Booliska u taxaabeen Xabsiga,iyaga sheegay inay galay danbi ka dhan ah Madax-banaanida Somaliland.

Balse Maalintii shalay,ayaa si rasmi ah dalka looga saaray,isaga iyo Wiil la sheegay inuu dhalay,balse wararka soo baxaya,ayaa sheegaya in Diyaaraddii Sidday oo JABUUTI sii martay,ay dib ugu soo celisay Madaarka Hargaysa,iyada oo haatan lagu xidhay Xabsigga Madaarka ku yaalla.

Ilaa hadda lama garanayo talaabadda tan xigta ee ay Xukuumadda Somaliland ka qaadi doonto Sheekh Dabcasar oo shalay markii uu sii duulayay Muuqaal uu diyaaradda ku dhex duubay si weyn ugu dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments

SHARE