Labaatan Sano kadib Guusha Jaceylka Axmed Saleebaan Bidde.

Labaatan Sano kadib Guusha Jaceylka Axmed Saleebaan Bidde.

Qisada jaceyl ay ku curteen Heesaha Maxaa Lurey Naftaadii? Sida geed Caleenle iyo Onkod roobka ma daayo.

“Dugsiga Dayaxa oo wax lagu dhigan jiray ayaan Enjineer leydhka u shida ahaa warshadii leydhka, markaan saddex sano halkaasi joogay ayaa ninkii haystay oo cadaan ahaa halla badalo Axmed yidhi, 1966kii ayaa Hargeysa la iisoo badalay, markaan bilo joogay ayaan gabadh wada sheekaysanay aan hore u aqaanay oo aanu isku xaafad ahayn, walaalo ilaahay ayaanu noqonay gabadhii oo si aad ah isku jecel, cid kalena iskamaan siin iyadna cid kale ima siin.
1968 ayaa calafkii oo aan ogeyn jaceylkayaga na kala qaaday, waxaa guursaday gabadhii nin Soomaali ah oo Koonfur kasoo jeeda meesha Jilib la yidhaa ayuu la tagay, maalmahaasi waxaan garan waayay waxaan sameeyo qofkii aan balansaneyn oo aan jeclaa oo la iga guursaday dhib iyo amakaag ayay igu noqotay, maalmo badan runtii jaad iyo heeso ayaan kusoo jeeday, waxaa la I tusay gabadhii oo cabanaysa oo ninkii ay is fahmi laayihiin.

Markaasi ayaa hinaasihii aan sameeyay heesta “Maxaa lurey Naftaadii” oo aan kaga hadlayo sidii aanu iskugu fiicneyn iyo siday ay xaaladu isku badashey ee gabadhu nin kale u raacday, heestaasi liid miidhan ayaa ku jirtay “Innakoo Lammaana iyo laba naf qeybsi leh talo geed ku laashee, Adigaa is liidoo, isu looday cadowgoo libintaadii siiyoo” ,markii ay caanbaxday ee heestii meel walba laga maqlay ayaa gabadhii aanu is aragnay waxay igu tidhi “Niyoow heestaasi way dheeraatay dadkii oo dhanna waa wada maqlay magacaygiina waa loo badalay, calafkuna waa inna kala qaaday ee maxaad igu xaal marin?” waayahee maxaan kugu xaal mariyaa ayaan ku idhi, waxay igu tidhi “heestaasi mid la mida” walaahi caqli ayaad qabtaa ayaan idhi, Dabadeed berri dambe anigoo iskaga qayilayna oo laba nin oo baanka ka shaqeynayay nagu casuumeen huteel magaaladan Hargeysa oo fanaaniin waaweyn ku fadhina, kamanka uu noo tumayo nin fanaan weyn ahaa oo heeso badnaa oo la odhan jiray Cabdalle Bari, Casar ayay ahayd oo BBC ayaa soo gashey nin Cismaan Sugule la odhan jiray oo wariye ahaa ayaa saaray Hees la odhan Jiray “Ever Green Tree”1968 dabayaaqadiisa ayay ahayd, oo Dumbuluq ayaanu fadhinaa, Markay heestii ka baxday ayuu yidhi wariyihii “waa geed had iyo jeer cagaaran”, wuxuu raaciyay “Haddii fanaaniinta Soomaalidu sidaasi wax u sarifayaan afsoomaaliga way macaaneyn lahaayeen afsoomaaligana waala dhageysan lahaa”.

Macalin Xasan Waraabe Cadde la odhan jiray oo imtixaan ardey u saxaya aan ku idhi Buug iyo qalin ii dhiib, waxaan qorey ereyada “Sida Geed caleenloo, ubax guudka qariyoo, ooy goynin laamaha gunti midha ah leedahay”markaan heesta halkaasi marinayo ayuu ninkii macalinka ahaa oo baarlamaankii Cigaal wakhtigiisii qeyb ka ahaa igu yidhi “Inaadeer Heesta jaceyl noogu dar” anna halka aan u socday ayaaba ahayd jaceyl ‘Gabadhyaheey Kalgacalbaan goortaan ku eegaba qalbigayga galisaa” sidaasi ayaan heestii ku sameeyay oo lagu duubay oo gabadh la iga guursaday aan xaal marin u siiyay.Markii aan heestaasi sameeyay ayay guureen, ninkii gabadha guursaday heesaha uu maqlay waxba kama odhan ileyn waxbay dhaceen oo anigu maan dhicin wax nin iska calaacalaya ayaan ahaaye.
Anigoo Sheekh Madar ku qayilaya 1969, oo ay ila fadhiyaan Axmed Muxumed (Good Shimbir), Xuseen Jaamac (Gujis), Maxamed Cumar (Huryo) ayaa waxaa noo yimid ninka Cabdi Tahliil Warsame oo Kaman wata oo ay islaani ku tidhi “fanaaniintii ayaa halkan fadhiya” ayaa noosoo galay waaryaadhaheen warrama, kheyr xageed ka timid? Halkaasaan marayoo waxaa la igu yidhi “nimankii ayaa halkan fadhiya” Waar bal naga fadhiiso, Jaadbaanu siinay, Ninkii Cabdi Tahliil markuu mirqaamay ayuunbuu naga dayn waayay “Hees I siiya intiinan oo aan u imid hees la’aan kama tagayo”
Huryo ayaa allaha u naxariistee ku yidhi “Waar ninkaa Inna Saleebaan Bidde ee gabadhii laga dhacay, towraduna ay ku dul dhacday,bad bay kula gali, Faras indho la’a buu ku saari Axmed ee maad iska deynu”. Cabdi Tahliil ayaa idhi
“Mayee ha isiiyo” Markaas ayaan ku idhi qoro “Onkod roobka ma daayo, Anna taaha ma daayo, Anna taa ma ilaabo”

Goobtii ayuu heestaasi ku qaaday, runtii heesaha wakhtigaasi aan sameynayay ee jaceylku I hayay heesuhu waxay ii ahaayeen inaan gabey ku calaacalo, Gabadha aan u heesayay intaasi oo dhan nin kale ayaa qabay walbahaar iyo nin iyo waagii ayay ahayd, markii dambe waxaan helay jaceylkaygii oo aanu gabadhii heshiinay 1988kii markii ninkii qabay beerihii laga gubey ee xabad gaadmo ah lagu dilley meesha Jilib la yidhaa, markaasi oo ay Hargeysa timid ayaanu is helnay, Imikana caruurtii ay dhashey ayaanu korinaa.”

Wareysiga aan qoraalkan ka sameeyay waxaa leh idaacadda arrimaha bini’aadanimada ee Ergo, horaantii bishii hore ayaan kula sheekaystay guriga uu ka deganyahay abwaanku Hargeysa.

Ilyaas Cabdi Cali.
Hargeysa Somaliland

Comments

comments

SHARE