Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Xidhiidhka Goleyaasha Oo Soo Bandhigay Dayaca Iyo Duruufta Adag Ee Ku Gedaaman Wasaaraddaasi

Masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ayaa xilkii si rasmi ah ugala wareegay Masuuliyiintii hore ee Wasaaraddaasi.

Xaflad loo sameeyay xil-wareejinta masuuliyiintan ayaa Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi uu kaga warramay xaaladda shaqaalaha iyo guud ahaan wasaaraddan ku gedaaman, waxaanu sheegay inuu garan waayey ujeeddadii loo aasaasay iyo dhismihii loogu talagalay, waxaanu yidhi “Wasiir, waxaan kugu wareejin doonaa warbixino xaqiiqo ah oo aan ka arkay wasaaraddan oo aan kugu waaninayo oo aan ku leeyahay Madaxweynaha waa in wax weyn laga qabto, sababtuna Wasaaraddan meel aan kaga hagaago iyo meel ay u socoto waan garan waayey, waxaanad mooddaa Wasaarad aad u weyn oo aan la qaadin tallaabadii ay u baahneyd, oo aan la sameyn waajibkeedii oo aan lagu cannaanayn dhallinyartii ka shaqeynaysay oo waayey meel ay fadhiistaan oo ay ku shaqeeyaan”. Waxa kale oo uu intaasi ku daray xaaladda adag ee ay ku jiraan shaqaalaha wasaaraddaasi “Waxa jira oo aan kaga tegayn oo aan kala shaqayn doonaa wasiirka iyo ku xigeenkiisa cusub shaqaale sanad shaqaynayey oo aan mushahar qaadan, taasi oo ah arrin adag, waana inay mushaharkoodii helaan”.

Wasiirkii hore waxa kale oo uu tilmaamay Xaaladda dhaqaale iyo dhisme ee wasaaraddaasi, “Wasaaraddan, Hoolkeedan yar, aniga maanta ayaa iigu horreysa, oo intii hore wuu xidhnaa oo qoladii ayey alaabi u taalay ayaa la lahaa”. Waxa kale oo uu wasiirkii hore ka hadlay dhismihii wasaaraddani yeelan laheyd “Wasaaraddan waxa loogu talagalay in dhisme loo dhiso, miisaaniyad ayaana lagu bixiyey, lacag dhan hal bilyan iyo lix boqol oo milyan ah, waxaana la yidhi waagii dhaweyd ee xilkeeda la igu wareejinayey sagaal boqol iyo toddobaatan milyan, intaasi curraar ayaa loo dhigay, curraartiina way ku jirtaa, lacagta intii kalena waa lala baxay, ama dan halagu qabto ama meel kale halala maree, lacagtii aan la wareegayna waan idinku wareejin doonaa, warbixinteedana waan idin siin doonaa, dawladduna way ogtahay, waana sababta loo dhisi waayey ee loogu soo noqday xaruntan oo habeen madow alaabta loogu soo dhex daadiyey”.

Ugu dambayntiina, Wasiirkii hore Axmed Xaaji Daahir waxa uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay daacadnimadu, “Waxaan ballan-qaadayaa in aan garab taagnaado oo aan wax la qabto Wasiirka cusub, isla-markaana waxa loo baahan yahay in daacad loo ahaado dalka, waxaanuna ku ballansanayn oo aanu ku dooranay Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi inuu dhiiranaan la yimaaddo oo uu jeexo waddada saxda ah”.

Comments

comments

SHARE