Somaliland: Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Ku Lug-leedahay Dagaal-beeleed Sababay Dhimasho & Dhaawac Ah Oo Ka Dhacay Koonfurka SOOL

Dagaal ayaa laba Beelood ku dhex maray Deegaanka Gumburka Cagaare ee Koonfurka Gobolka Sool ee Somaliland.

Dagaalkan oo ah mid soo laba Kacleeyay ayaa u dhexeeya Labada Beelood ee kala ah Maxamed Garaad (Bahararsame oo Dhulbahante ah) iyo Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen), kuwaasi oo Dhowr jeer oo horena halkaasi ugu dagaalamay.

Dagaalkan oo dhacay dorraad, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaadhay maleeshiyaadka labada Beelood ee dagaalamay, kuwaasi oo isku haya Mulkiyadda deegaankaasi iyo Arrimo kale oo Aano Qabiil ka mid tahay.

Odayaal ka mid ah Beesha Bahaharsame ee Dhulbahante oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Beesha Dagaalku ku dhex marayo Deegaanka Gunburka Cagaare ay mar walba dagaal ku soo qaadaan Dadkooda halkaa deggan, iyagoo bay yidhaahdeen taageero ka helaya Ciidammada Maamul-gobolleedka Puntland.

“Maalin kasta oo Heshiis la galo waxaa Heshiiska Jebiya Beesha Cumar Maxamuud iyo Maamulka Puntland oo dabada ka riixaya, Cidda weerarka soo qaadday waa iyaga.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Waxgaradka Beesha Bahararsame ee Laascaanood Warbaahinta kula hadlay, waxaanu intaa ku daray in Ciidammada Puntland ay Magaalooyin badan oo Puntland uga soo baxeen si ay u taageeraan Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Nugaal ee Puntland Magaalooyin badan ayay kasoo baxeen Ciidankii Puntland, Dagaalkaasi ay wadaan iyagoo Deegaankaygii Nagu Haysta, meelaha uu dagaalku ka dhacayo maalin kasta waa deegaankaygii..”ayay Odayaashu yidhaahdeen.

Dagaalkan Labada Beelood ku dhex maray deegaanka Gumburka Cagaare ayaa waxa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sool ee Somaliland Cabdi Khayre Dirrir, waxaanu yidhi “Dagaalka ka dhacay Gumburka Cagaare oo ah deegaan Gobolka Sool ee Somaliland ah oo Degmada Kalabaydh hoos taga, Dadkii badnaa ee ku dhintay ILAAHAY baanu naxariis u waydiinaynaa. Deegaankaa Somaliland waxa ku soo duulay Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, haddaanu nahay Maamulka Gobolka Sool iyo Jamhuuriyadda Somaliland-ba eegayn mayno in Dagaalku sii socdo, eegan mayno in Dhiig dambe daato, waxaanu leenahay Dagaalka hala joojiyo, Nabadaynta ha lagu soo noqdo.”

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay “Haddii Dagaalku joogsan waayo, haddaanu nahay Maamulka Gobolka Sool, Annaga oo kaashanayna Xukuumaddayada Somaliland Gacmaha ka laaban mayno.” Ayuu yidhi

Badhasaabku ma xuin Tirada Dadka ku Geeriyooday Dagaalkaasi, laakiin Warar halkaasi laga helay ayaa sheegaya in Dhimashadu gaadhayso illaa Toban Ruux oo labada dhinac ah.

Eedaymaha Beesha Laascaanood ka hadashay u jeedisay Beesha dagaalku u dhexeeyo ayaanay Beesha kale wax jawaab ah ka bixin, halka Maamulka Puntland ee Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland-na sheegay inay qayb ka yihiin Dagaalkana aanay ka soo saarin wax jawaab ah.

Beelaha Maxamed Garaad (Bahararsame oo Dhulbahante ah) iyo Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) ee doraad Dagaalku ku dhex maray deegaanka Gumburka Cagaare ayaa waxa u dhaxaysa Colaad soo taagnayd 16-kii Sannadood ee u dambeeyay, waxayna labada Beelood isku hayaan Mulkiyadda deegaanka Dagaalku ka dhacay.

Dhowr jeer oo hore oo ay dagaalameen ayaa waxa nabadayntooda ka qayb-galay Madax-dhaqameed iyo Madax ka kala socotay Somaliland, Puntland iyo Kililka shanaad ee Itoobiya, laakiin illaa hadda ma jiro heshiis la gaadhay oo labada Beelood dhaqan-geliyeen si ay u kala nabad galaan

Comments

comments

SHARE