Isticmaalka Xad-Dhaafka Ah Ee Millixda Oo La Ogaaday Inay U Geeriyoodaan 4 Milyan Oo Qof Sanad Walba !

Isticmaalka badan ee Millixda ayaa waxa la xaqiijiyay inuu sanad walba gallaafto Nolosha Afar Milyan oo qof, halka mallaayiin kalena la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo ay Millixda badani sababto.

Waxa ka mid ah dhibaatooyinka Caafimaad ee ay Millixdu sababto Dhiig Karka iyo Cudurada ku dhaca Kelyaha iyo waliba lafaha oo Daata iyo sidoo kale wadne xanuunka iyo waliba cudurada soo waajaha hab-dhiska dheef-shiidka.

Haddaba, si aad arrimahaasi oo dhan ugu hor tegtid ku dedaal saddexdan arrimood oo uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay Barta Internet-ka ee Care 2.

  1. Millixda ha dul saarin Miiska Cuntada, sababtuna waa in 30% dadku ay Millixda Miiska saaran cuntada ku daraan ka hor inta aanay dhadhamin.
  2. Ha ku darin Millixda Marka aad cuntada Karinaysid.
  3. Ka dheeraw cuntooyinka sameyska ah ee millixda dheeraadka ah lagu sameeyay.

Comments

comments

SHARE