Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xasuuqii Loo Geystay Somalida Itoobiya

Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn speaks during an interview with Reuters inside his office in the capital Addis Ababa, October 10, 2013. Ethiopia plans a debut Eurobond once it has secured a credit rating but will not open its "cash cow" telecoms firm or state banks to foreigners while their revenues are needed to fund new infrastructure, the prime minister said. REUTERS/Tiksa Negeri (ETHIOPIA - Tags: POLITICS BUSINESS)

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa waxa uu si kulul kaga hadlay Soomaali fara-badan oo maalmo ka hor lagu laayay Gobolka Koonfurta Itoobiya ee Oromia.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo  khudbad ka jeediyay telefishinka dalkaasi, ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida dadka sida arxandarada ahi loogu laayay Gobolka Oromia, oo ay degto Oromada Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha oo aan soo hadalqaadin tirada dadka la laayay, ayaa dhanka kale qiray in dhibaato baahsan ay meeshaasi ka dhacday, ka dib markii saldhig ay leeyihiin Ciidanka Booliska lagu dhex dilay dadkaasi.

“Dhibaato baahsan ayaa meesha ka dhacday, dadkaasi waxaa lagu dilay xero ay Ciidanka Booliska leeyihiin, iyadoo waxa meesha ka dhacay ay u muuqato dil wadareed, waxaana loo gaystay dad rayid ah oo Somalida Itoobiya ah.” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaare Desalegn, ayaa yidhi “Waxaan arrintan u saarnay guddi baara oo iminkaba gacanta ku haya, marka ay soo afjaraan baaritaanada, isla-markaana ay keenaan natiijada, cadaaladda ayaan la tiigsan doonnaa kuwii dhibaatadaasi gaystay. Natiijada baaritaankaana waxaanu la wadaagi doonnaa shacabka Itoobiya.”

Dowladda Itoobiya, ayaa ciidan u daadgureysay Gobolka Koonfurta Itoobiya, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in lagu dilay 65 ruux oo Soomaali ah, Ciidanka Militariga oo hawlgalo ka bilaabay Deegaanada Oromada, ayaa waxay baqdin ku keentay dembiile-yaasha, oo qaarkood sida la sheegay u baxsaday dhulka keymaha.

Si kastaba ha-ahaatee Somalida lagu laayay xerada ciidan, ayaa ka mid ahayd Somalida ku dhaqan Gobolka Oromia oo baqdin soo wajahday awgeed loo dejiyay xeradaasi, markii loo sheegay in amnigooda lagu ilaalin doono.

Comments

comments

SHARE