Somaliland: DP World Oo Sheegtay Inay Bilaabayso Balaadhinta Iyo Dhismaha Dekedda Berbera

DP World to Manage Somaliland Port of Berbera
DP World Wins 30-year Concession for Somaliland Port

Shirkadda DP world ayaa sheegtay inay horaanta sannadka cusub ee 2018 bilaabayso wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera ee caalamiga ah.

Mr. Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa DP world ee berbera ayaa wargeyska The reporter ee ka soo baxa da Addis Ababa ee Itoobiya u sheegay in DP world ay dhawaan bilaabayso balaadhinta dekedda Berbera. “Waxaanu hadda ku jirnaa gunaanadka codsiyadii shaqada dhismaha; waxaanan ogaysiis rasmi ah deg deg ugu baahin doonaa cidda ku guulaysatay.” ayuu yidhi Mr. Supachai Wattanaveerachai.

DP world waxay sheegtay in  qarqarka sabadda ah ee dekedda uu yahay  400 oo mitir, kaas oo la filayo inuu wax ka weyn ka taro kor u qaadista adeegyada ay dekedu qabato.

Warbixintan uu wargeysku qoray waxa kale oo lagu sheegay in DP world ay dekedda Berbera keentay qalab badan oo casri ah oo ka qayb qaadan doona in dekedda Berbera ay noqoto mid caalami ah, waxaanu wargeysku sheegay in dekedda Berbera diyaar u tahay inay soo jiidato ganacsatada dalka Itoobiya oo ah dal aan deked lahayn.

DP world waxa ay wargeyskan u sheegtay inay kor u qaaday shixnadaha soo mara Berbera 30% ilaa sannadkii2016.

Comments

comments

SHARE