Somaliland: Khabiir ku dooday in Somaliland cilaaqaad caalami ah yeelan karto aqoonsi la’aan

“Helitaanka maalgashi iyo xidhiidh ganacsi waxay kaalin ka qaadatay hoos-u-dhiga saboolnimadii ka jirtay qaarada Aasiya, Somaliland-na dariiqaa way qaadi kartaa;” sidaas waxa lagu sheegay warbixin lagu sharraxay  waxqabadka  laga sugayo madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Maqaalkan  oo The Horn of Africa blog, uu ku baahiyey khabiir lagu magacaabo Lars Ströman, oo dalka Sweden u dhashay ayaa lagu bilaabay:

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, ayaa  magacaabay xukuumadiisa cusub oo u badan wasiirro cusub. Somaliland ayaa lagu tilmaami karaa waddanka ugu nidaam wanaagsan Geeska Afrika. Dhulka keliya ee nidaam dimoqraadi iyo doorashooyin hal qof hal cod ahi ka hirgashay.

Waxa jira gole guurti oo ka kooban waxgarad iyo madax-dhaqameed, waa nidaam dhaqan oo lagu daray nidaamyada baarlamaanada casriga. Hab macquul ah ayaa laysugu dhafay, sidii xili dalka Sweden ahaan jiray.

Xilligan dadka qaar ayaa isweydiiya baarlamaanka Sweden wakhti ayuu ka koobnaan jiray afar kooxood oo wada shaqeeya, (boqorada, waddaadada, muwaadiniinta iyo xoolo-dhaqatada).

Balse dedaal badan ayuu u baahan yahay la-dagaalanka musuqmaasuq, tusale ahaan, xoojinta xorriyada hadalka, iyo xorriyada fikirka, laba hadaf oo ilaa xad lagu gaadhi karo la dagaalanka musuqmaaasuqa.

Su’aasha udub-dhexaadka ah ee baddi bulshada Somaliland is-weydiiyaan waa aqoonsi caalami ah. Jawaab helitaankeedu aanu fududeyn. Weli ma jiraan waddamo qorshaynaya inay safaarado ka furtaan Somaliland. Balse anigu xilliyo kala duwan ayaan ku dooday in Somaliland wakiil diblamaasiyadeed ku yeelato dalka Sweden sida “Xafiis Guud.” Xafiis siyaasadeed heerka ugu hooseeya. Xafiis noocan ah waxa hore u adeegsaday xukuumaddii waqooyiga Vietnam sannadkii 1970, sidoo kale Falastiin ayaa xaafiiskan oo kale furatay xilligii Carafaat aqbalay jiritaanka Israel, wallow, Itoobiya iyo waddamo kale doorateen inay qunsuliyado ka furataan Hargeysa.

Aqoonsi-la’aantu kama horistaagin xukuumadda Imaaraadka inay heshiis la galaan Somaliland oo ay saldhig millatari kaga samaysanayaan Berbera, deked xilli hore dalka Ruushku saldhig ku lahaan jiray, taasina waxay muujisay in aqoonsi la’aan heshiisyo  iyo xidhiidho caaalaami ah ay heli karaan.

Wadiiqada aqoonsi caalami ah baddi, hab lama filaan ayey ku dhacdaa, sidaa darteed, helitaanka xidhiidho caalami ah way sahIan tahay, oo la tuso in waddanku sii horumarin karo nidaamkiisa dimuqraadiga.

Helitaanka maalgashi iyo xidhiidh ganacsi waxay kaalin ka qaadatay hoos-u-dhiga saboolnimadii ka jirtay qaarada Aasiya, Somaliland-na dariiqaa way qaadi kartaa. Hab ganacsatadu ku ogaan karaan inay yimaadeen dal ay shaqooyinkooda ka qabsan karaan, iyadoo aanay xaqul-qalin siinin saraakiisha qaarkood.

Somaliland waxa mudan inay waajahdo xukuumada Muqdisho, fursad labada dhinac kaga xaajoodaan arrimaha ay isku afgaran karaan, inta dib loo dhigto mowduuca aqoonsiga. Su’asha aqoonsigu muddo ayey qaadan kartaa, muhiimadu waa in caqabadaha la dhameeyo oo xidhiidh iskaashi yimaado.

Waa danta Muqdisho in Somaliland leedahay xukuumad shaqeynaysa, sidoo kale, waa danta Somaliland in Madaxweyne farmaajo ku guulaysto dhismaha xukuumad shaqeysa iyo guul dagaalka argagxisada shabaab ka gaadho.”

Comments

comments

SHARE