Warqada Furiinka Iyo Dhibaatada La Soo Darista W/Q Wariye Cali Mahdi Jibriil

291

Warqadii Furiinka !!!!!
——————–
Waxa ay ahaayeen Lamaane midoobay maalmo adag, waxa ay Xaaskiisa noqotay waqti aanu noloshiisa ku filayn, waxayse ku qanacsanayd ag-joogiisa, waxa ay ugu samri jirtay dhibta, waxa ayna la wadaagi jirtay haba yaraatee wixii dheef ah ee ay ilaahay ka helaan, way ku Faraxsanayd noloshiisa, xaalad-walba oo uu ku suganyahayna waa ay ku rabtay, waxayse kalahayd nolosho riyo ah in ay ku caawiso sidii uu ku guulaysan’lahaa.

waxa ay ugu samirtay baahi, iyadoo laba Caruurana ugu dhashay noloshii adkayd, iyo xaaladii dhaqaale xumo ee haysatay ninkeeda, mar walba waxa ay samayn jirtay wax walba oo ay isleedahay wuu ku farxayaa, run ahaantiina si dhab ah ayay u jeclayd.

dhinaca kale isagu aad uma dareensanayn marxalada qalafsan ee ay xaaskiisu kula nooshay, iyo wanaaga baddan ee ay dartii u samaynayso, weligii si naxariisle uguma odhan waan ku jeclahay, umana muujin jacayl Qalbigeeda soo jiita, hase yeeshee iyadoo og ayay hadana ku jeclayd danayn la’aantiisa.

horaa looyidhi, naago ayaa rag is dhaafshaye, waxay xaaladii adkayd ku jiraanba, wiilkii waxaa u bilaabantay maalmihii horumarka ee nolosha, lama’se uu wadaagin xaaskiisii sidii uu ula wadaagi-jiray maalmihii dhibaatada iyo murugada, wuxuu ilaabay xaaskiisii iyo caruurtiisii, wuxuuna door-biday in uu daba cararo aduunyo, intii uu dedaalka ugu jiray in uu horumar gaadho, waxa uu ka sii fogaanayay reerkiisii wuxuu dhibsanayay gar’naqsiga xaaskiisii isagoo mar walba ugu andacoonaya in uu shaqaynayo ama uu mashquulsan yahay,

ugu danbayn xaaskiisii waa ay ka qanacday ninkeedii ay ku hagtay guusha, ee ay ka ilaalisay dhibaato murugo ama mushkilad qoys oo ka khalkhalisa hiigsigiisa.

isagii waxaa qaadatay badweynta aduunyada la yidhaahdo ee qofka is-raac-raaciya mowjadeheedu maamulaan ilaa ay ka quusiyaan, intii uu aduunyo eryanayayna wuxuu ka fogaanayay reerkiisii, ilaa ay gaadhay xaaskiisu in ay ka qanacdo noloshiisa oo dhanba, ayna niyada ka saarto ninkeedii dunidu daandaamisay.

waxa ay kaga tagtay dalkii Madoobaa ee ay kula noolayd nolosha adag ee ay islahayd maalin uunbaad ka bixi doontaa, markii ay aragtay in aanu dananayn reerkiisana waxa ay ka codsatay furiin iyada oo go’aan ka gaadhay noloshiisii oo dhanba.

laakiin isagii waxa uu soo hambabaray xili xeedho iyo fandhaal kala dheceen, wuxuu xasuustay in uu dayacay xaaskiisii iyo caruurtiisii waqti aanay dib u soo laabanayn noloshii qoyskiisa ee uu hore u dulmiyay, maantana doonayo in uu dib ka dhiso, kalsoonidii iyo jacaylkii uu gacantiisa ku dumiyay,

markii uu yaqiinsaday in ay ka tagtay oo aanay dib ugu soo noqonayn, noloshiisa oo dhana ay naceen rerkiisiina uu dulmay ayuu qoray warqadii furiinka ee ugu danbaysay, isaga oo ay ilmada ka da’aysa indhihiisu qoysay qayb ka mid ah, dhambaalkii kama danbaysta ahaa ee uu reerkiisa u dirayay wuxuuna yidhi��:
—————————————————–
waan ku salaamay Nasra , waxa aan rajaynayaa in aad adiga iyo Caruurtiiba fiicantihiin,

marka koobaad waxaan kaaga mahad-celinayaa, maalmihii wanaagsanaa ee aad ila soo martay iyo noloshii aad ila wadaagtay mudadii sadexda sanno ahayd, ee aad ahayd xaaskayga.

marna ma iloobi doono wanaagii aad ii samaysay bilowgii iyo ilaa dhamaadkii gurkeena, nolosha bini’aadanka ayay ka mid tahay in dadku is khilaafaan is dhibaan, ama midi ku khaldamo midka kale, hase yeeshee heshiis iyo is af-garad ayaa nolosha lagu dabaalaa,

mudo badan ayaan naawilayay oo aan islahaa mar uunbaad heshiin doontaan, oo ilmadii ciil-la’oyga ahayd ee indheheeda ka iman jirtay, ugu bedeli doontaa ilmo-farxadeed iyo mid jacayl waan’se ku guul daraystay.

waxa aynu isku guursanay rabitaan ka yimi qalbigayga oo aad raali ka ahayd, ma aqoon qiimaha guurku leeyahay, wanaaga iyo xuquuqda ama xurmada xaasku leedahay, waxaana maalmihii guurkeena ku jiray, nolol adag oo Qoys, dhaqaale xumo iyo isku-filaanshiiyo la’aan i gayaysiisay in aan iloobo ooridaydii iyo ubadkaygii, aana raad gurro aduunyo.

nolosha ayaa i bartay hadda in aan xaaskaygii khaladaad badan ka soo galay, waxa aan isku dayay in aan saxo, murugadii wejigaaga iiga muuqanjirtayna u bedelo maalmo farxadeed, lkn markii aan noloshaydii dhistay khaladkaygiina gar’waaqsaday, waa aan ku waayay, oo waad iga samirtay adna.

kama daalin in aan sugo in aad maalin uun ii soo noqoto, si aan noloshii xumayd ee aad dartay ugu jirtay ugu badalo ladnaan, kuuna tuso ninkaagii oo maanta noloshaada iyo ta Caruurtaadaba ku filan, nasiib xumo ma dhicin, oo adna iimaad soo noqon.

ugu danbayn waxa aan yaqiinsaday in wax walba oo xageena ahaa soo dhamaadeen, ayna muhiim tahay, si aad noloshaada u sii horumariso mustaqbalkaagana u sii dhisato in aan ku furo oo aan warqadaadii ku siiyo weliba anigoon ka raali ahayn, balse diidaya in aan dulmi kale kaa galo oo kuu diido warqadaadii.

waxaanse kaa codsan lahaa in aynan is furin maanta oo aan is cafino, laakiin waan ogahay in aanad aqbali doonin cafiskaas, , aniga khalad walba oo aad noloshayda ka gashay waxaan ku ilaawayaa, dhibtii aad ii martay iyo maalmihii adkaa ee aad ila soo martay, iyo weliba curadadii aad ii dhashay.

waan ka xumahay maalmihii adkaa in aad ila marto dhib iyo xanuuna ila qaybsato gurigii aan dhisnay markii uu midho dhalayna, ee aan nolol fiican galayna in aadan farxada iyo horumarkii aan madaxaaga ku gaadhay ila qaybsanweydo.

qofka maanta xaaskayga labaad noqda, wax micno ah oo uu agtayda ka leeyahay ma jirto, waayo waa qof anoo faraxsan farxad ila qaybsaday anoo noloshaydii dhistayna ii soo dhawaaday, laakiin iima noqonayso,Nasra oo noloshaydii adkayd ila martay, maalmihii aanan isku filayna ii wehelyeelaysay, ee wax kale iska daaye igula noolayd guri aad u fool xun oo cadceed kaga bax uun ah, noloshii macaaneyd ee waalidkeed iyo walaleheed la qaadanaysayna ka door biday degelkii yaraa ee aanu wada degnay,

ma iloobi doono abaalkii nololeed ee aad ii gashay waxaan rajaynayaa in aan kuu gudi doono, oo maalin ay kugu adagtay abaalkaagii aan ku marin doono.

saaka ayaan ku furay Nasra, oo aan Qoray Warqadaadii furiinka, hal-dalqad ayaan ku furay,

waxaan rajaynayaa adiga iyo wiilashaaduba in aad farxad ku noolaataan, in aad horumar gaadhaan, in aad guulaysataan, gacal yeelataan idiin dhaama aabihii idin gabay.

wanaagii iyo noloshii fiicnayd ee aan idinla doonayay iyo mid ka sii fiican ayaan ilaahay idiinka rejeynayaa in uu meel kale idinka siiyo.

waxaana kuugu bushaaraynayaa maanta in aad xor-tahay oo aad gaadhay yoolkaagii ahaa in aan ku furo.

kuma faraxsani in aan ku furo anigu , waayo, weli hal maalin nolol farxadle kumaan siin, hal daqiiqo nolol macaan oo fiican kumaan gelin, waxaanse rejeynayaa in aan abaalkaa mar uun gudi doono.

waan idin jeclahay Sadexdiinaba, ogaadana, reer kasta oo aan yeesho in aad idinku iiga qiima badantihiin, oo dadka koobaad ee aan jeclahay aad idinka tihiin.

waan idiin baahnahay mar’kasta weligiina waan idiin baahnaan doonaa, waxaana idiin balanqaadayaa, maalin kasta oo aad ii baahataan in aan barbarkiina joogo, hadii ay lacala, dhacdo in aad ii soo baahataan maalin uun inta aad nooshihiin, ogaada in aan ahay, qof intaas oo dhan idin sugayay oo idiin baahan idina jecel

noloshaada in aad dhisato oo aad guul gaadhaan adiga iyo ubadkuba ayaan ilaahay idiinka baryayaa, farxad ku noolaada.

xusuusnaada se, hadaan boqol Xaas oo kale yeesho, in qofka noloshayda ugu muhiimsan ee aan jeclahay ay adiga tahay, sidoo kale ogaada, hadii aan boqol kale oo caruur ah yeesho in kuwa ugu muhiimsan caruurtayda ee aan jeclahay wiilashaada yihiin,

waa run idiinma sheegi jirin, maanta oo aan idinka tegeyo ayaanse kuu sheegayaaye, adi iyo ubadkaaga ayaan aduunka idiinku jecelahay.

sidaa ayaad Nasra igaga furantahay, oo aad noloshaada xor-utahay, waxaan filayaa in aad ku farxi’doonto warkayga oo aad in muddo ahba naawilaysay, ��dhibic kasta oo ilin ah kana qubata indhahaygu waxa ay cadayn u tahay jacaylka aan idiin qabo, ma tiro marna ilmada dartiin indhahayga uga qubata si ay ciqaab ugu noqoto naftayda, qalbigayguna uu u ogaado qaladkii uu galay, xornimo ku noolaada.

“intaas ayuu ku koobay dhamaan-baalkiisii ugu danbeeyay ee uu u diro xaaskiisii iyo caruurtiisii uu xumeeyay”.

{ Gabadha la furayo ee warqadan loo soo qoray ayaan caawa kula kulmay Hotelka summertime ee magaalada hargaisa, nolosheeda ayay iiga warantay, sidoo kale dhanbaalkii ninkeedii u soo qoray ayay ila wadaagtay, waanse garan waayay wax aan kaga jawaabo, waxay ii sheegtay in sheeko jacayl oon soo qoray dhawaan ay aad uga heshay, iyadoo hadana ii sheegaysa in tu’taa la mid ah ay la wadaagtay ninkeedii, maansiin talo se sheekada ayaan qoray uun}

waxaan sheekadan idiinla wadaagay in aad iiga jawaabtaan laba su’aalood, mid waxaan weydiinayaa gabdhaha midna waxaan weydiinayaa Wiilasha.

Hablaha waxaan leeyahay, hadii aad ahaan lahayd gabadha, dhanbaalkan loo soo qoray, maxay noqon lahayd jawaabta aad siinlahayd ninkan, ma ku adkaysan lahayd furiinka?, mise qaaday khaladkiisiiye noloshaad la sii qaybsan lahayd? {su’aashaas gabdhaha ayaan weydiinayaa}

su’aasha kale wiilasha ayaan weydiin lahaa, hadii aad joogi lahayd booska wiilkaas, go’aanka aad qaadanlahayd ma furiinkaa xaqa ay u yeelatay ee ay kaa codsatay baad sidaa ku deyn lahayd oo aad kaga go’i lahayd gabadhaad xumaysay? mise dhaba-kale ayaad raadin lahayd oo aad dib ugu soo ceshato, reerkaagii, hadii ay HAA tahay maxaad samayn lahayd si aad u soo ceshato xaaskaagii…

FG: “qisadan aniga sxbkayga koobaad ayay qabsatay, lkn gadaal baan idiinka sheegi halka ay ku danbaysay ama go’aankii la kala gadhee, bal ila wadaaga oo idinku maxaadsamayn lahaydeen, wiilka hadaad ahaanlahayd wiiloow maxaad samayn lahayd, gabadha se hadaad ahaan lahayd gabadheey maxaad samayn lahayd”

Qalinkii Calimahdi Jibriil

Comments

comments