Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Soo Kormeertay Laanta Socdaalka Djibouti

” Waxaan Aad U Bogaadinayaa Madaxweynaha Jabuuti [Waayo] Anigu Asaliyan Reer Jabuuti   ayaan Ka Soo Jeedaa ” – Wasiirka Maalliyada  Samsam Cabdi Adam

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xadhiga ka jartay dhisme casri ah oo ka kooban dhawr dabaq oo loo dhisay Kastamka magaalada Lawyacado ee xadka Somaliland iyo Djibouti ay waddaagaan.

Xadhig ka jarida xaruntan cusub ee loo sameeyey Kastamka magaalada Lawyacado ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka socday dalalka Somaliland iyo Djibouti oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Bileyska Iyo Laanta Socdaalka Jamhuuriyada  Cabdilaahi Cabdi Faarax Djibouti iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Bileyska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.Sidoo kale weftigii Wasiirka Maaliyada Somaliland ee socdaalka ku joogay magaalada Djibouti ayaa soo kormeeray laanta socdaalka ee Jamhuuriyada Djibouti oo ah halka ay maraan dadweynaha iyo gaadiidka iskaga kala goosha labada dal ee Somaliland Iyo Djibouti, isla markaana lagu hubiyo dadka iyo alaabta oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo fududaynaya isku socodka labada dal.

 

Wasiirka maaliyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa intii ay hormeerkaasi ku jirtay ka marag kacday horumarka ay Djibouti ka samaysay fududaynta isku socodka dadka iyo gaadiida labadal ee Somaliland iyo Djibouti iskaga kala goosha.

Waxaanay intaasi ku dartay oo ay sheegtay in arintani ay guul u tahay labada dalba oo ay sii xoojinayso xidhiidhka u dhexeela Djibouti iyo Somaliland.

Comments

comments

SHARE